Q. 2aad Hadaad mooday in guurka atariishooyinka uu shaqadooda soo gabo gabeeyo hadaba waxaan idiin heynaa atariishooyinka iyagoo xaas ah shaqadaan bilaabay.

0
527

In badan oo naga mid ah waxay u maleeyaan in howlaha shaqo ee atariishooyinka soo gabo gaboobaan markii ay guursadaan kadib balse taasi sax ma ahan waayo waxaaba jiraan atariishooyin ayagoo xaaslayaal ah fanka kusoo biiray.

Iskaba daa atariishooyinka la qabo misna shaqeysto haatan sida Kareena Priyanka Deepika Aishwarya iyo kuwa kale oo badan balse waxaaba jiraan atariishooyinka fanka iyo jiliinka fagtii hore bilaabay ayagoo xaaslayaal ah hadaba halkaan hoose kaga bogo qeybtii 2aad;

3-Chitrangda Singh;

Quruxleydaan maariinta ah ayaa kahor inta aysan Bollywoodka kusoo biirin waxay guursatay laacibka cayaaro Golf-ga ninka lagu magacaabo Jyoti Singh Randhawa sanadkii 2001dii waxayna filimkeedii ugu horeeyay kasoo muuqatay 2003dii.

Chitrangda Singh ayaa filimkeedii ugu horeeyay ahaa filimka Hazaaron Khwaishein Aisi kaasoo uu soosaare ka yahay Sudhir Mishra ayadoo tan iyo markaas wixii ka dambeeyay shaqooyin guuleystay qabatay.

4-Mahi Gill;

Image result for mahi gill

Atariishadaan ayadoo aad u yar misna 20 jir ah ayay guursatay in mudo ah markii guurkeeda kasoo wareegatayna wey is fureen ninkii qabay ayadoo kadib furiinkaas Bollywoodka shaqo usoo doonatay.

Doorkeedii ugu horeeyay waxay ka heshay filimka Hazaaron Khwaishein Aisi filimkaasoo soo baxay 2003dii waxaana sameeyay Directed Sudhir Mishra hase yeeshee filimkaas aqoonsi kuma aysan helin waxayna magac heshay kadib markii ay jishay filimka Dev D oo uu soo saare ka yahay Directed Anurag Kshyap.

la soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here