1-Si aad baraf dag-dag ah oo saafi ah u hesho marka hore biyaha kululeey.

2-Si xanjada dharka uga fuqdo marka hore mudo saacad ah Talaajada gili.

3-Si dharka cad kuugu noqdaan dhex gili biyo kulul oo jeex liin ah lagu dhex riday mudo 10daqiiqo.

4-Si liinta markaad miireyso biyo badan kuugu dhasho marka hore dhex gili liinta biyo kulul saacad kahor intaadan miirin.

5-si aysan indhaha kuu xanuunin markaad Basal jar-jareysid xabad xanjo afka gasho kadibna howshaada wado.

6-Si shiirka malaayga gacmahaaga uga go,o ku dhaq gacmahaaga khal tufaax ka sameysan.

7-Si aad baradhada dhaqso u fiiqdo marka hore hal dhinac ka fiiq.

8-Si aad Ukunta iyadana dhaqso u fiiqdo kudar biyaha aad ukunta ku karineyso xoogaa cusbo ah.

9-Si aad u ogaato kaluunka inuu karay jab yar oo kamid ah biyo ku rid hadii uu dul heebaabo ogoow inuu karay.

10-Si aad dooliga uga takhalusto ku daadi fil-fisha madow neelaha aad dooliga ku tuhmeyso markuu dooliga kuleylkeeda cuno dib dambe uma soo laabanayo.

11-Si aad kaneecada uga takhalusto dhig barkintaada agteeda xaanshida nacnaca oo dhag dhag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here