Kusoo dhawaada qaybta 11-aad ee maqaalkeena aan kaga hadleenay xidigaha Bollywood-ka hadiyada qaaliga ah ay isi siiyeen ama ay ka heleen qof aan Bollywood-ka ka tirsaneyn balse noloshooda aad ugu dhow.
Maantana waxaan ka faaloon doonaa Super Star Shah Rukh Khan marka uu hadiyad qaali ah siiyay saaxiibkiis Arjun Rampal.


Shah Rukh Khan waxa King of Bollywood loo dhahay bilaash ma ahan madaama uu xidigaan naxariis badan sidoo kalena uu jecel yahay inu dadka la shaqeeyaan uu ka farxiyo asigoo hadiyado qaali ah siinayo.
Waxaa dhacday in SRK uu hadiyad qaali ah siiyay saaxiibkiis Arjun Rampal madaama uu Arjun sanadii 2011 aqbalay inuu door laadarnimo filimka Ra. One ku matalo.


Filimka Ra. One SRK ayaa soo saare ka ahaa sidaa darteed saaxiibkiis Arjun Rampal oo filimkaas u hagar baxay wuxuu hadiyad ahaan u siiyay baabuurka nooca raaxada BMW 7 series sedan.

Gaariga BMW 7 series sedan ee SRK hadiyad ahaan u siiyay Arjun Rampal wuxuu qiimo ahaan ku fadhiyay 1 Crore ($151,515)! La Soco Qaybteena Xigta oo aan kaga hadli doono Siddharth Malhotra iyo markii saaxiibtiis Alia Bhatt hadiyad qaali ah siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here