Sidaan horey idiin kugu sheegnayba atiriishada Rhea Chakraborty waxaa lagu soo eedeyay inee ku lug leedahay kiiska Sushant Singh Rajput dhinacyo badan oo kala duwan sida inee lacag ka qaadatay, inee daroogo isticmaashay isagana siisay.

Inee daawooyin khaldan siisay iyo inee wax ka ogtahay dad la sheegay inee dileesh Sushant arimahaas oodhan xidigtaan dhinac ayee iska marsiisay sikastee ahaataba cadeyn ay isku bad baadin karto ayaa la rabaa halka sharcigana uu rabo cadeyn uu kuxiri karo labada dhinacna cadeyn rasmi ah lama haayo.

CBI oo kiiskani ku guda jiraan ayaa uwaceen Rhea si ay suaalo dhowr ah uweydiyeen maalintii kowaad iyo suaalah la weydiiyay gabadhaan:

Goormee kulanteen adiga iyo Sushant markii ugu horeysay?

Rhea: waxaan kulanay 2013 waliba goob filim lagu duubayey (ogow waa sanadkii Sushant Bollywood kusoo biiray)

Taariikhda xiliga aad xiriir wada yeelateen adiga iyo Sushant?

Rhea: Bishii April 2019 waana xili Sushant iyo Sara Ali Khan xiriirkooda bur buray sido kale Sushant ayaa xiriirka iisoo bandhigay anigana waan aqbalay mudo ayaana is fahamsaneen kahor inta aanan xiriir rasmi ah yeelanin waana Sushant qofka marka kowaad jaceylka dhankiisa jiray.

Majirtaa guri aad wada iibsateen adiga iyo Sushant?

Rhea: Haa 10 December 2019 ayaan go’aansanay inaa wada iibsano guri aan kuwada noolaano waana iibsanay waana guriga aan ku nooleyn mudadii xiriirka iyo bandowga Corona jiray.

Maxaa kajira inaad lacag kala baxday koontada Sushant Singh?

Rhea: waa been abuur weyn waligey lacag kalama bixin koontadiisa anigoo warsanin isagaa isiin jiray waxaan u baahdo fasax iyo fasax la’aanba waligey koontadiis lacag kalama bixin.

Adiga miyaa gacanta ku hayey oo maamulayey shaqaalaha Sushant?

Rhea: maya ma faragashan jirin shaqaalihiisa iyo maamulkiisa ha ahaaden kuwa guriga u nadiifay ama kuwa waardiyihiisa ahba marnaba ma maamulin shaqaalihiisa.

Yaa keena fikirka dalxiiskii yurub ee adiga iyo Sushant?

Rhea: aniga yurub shaqo duubis xayeysiin ayaan u aadayay iyo FASHION balse Sushant xiligaas fasax ayuu lahaa waxuuna go’aansaday inaan soo wada dalxiisno marka aan shaqadeysa dhameesto isaga ayaana diyaariyay tikitkii bixitaanka marka isagaa lahaa fikirka dalxiiska.

Xanuunka Depression-ka ee Sushant hayey goormee ogaatay mana xaqiijin kartaa inuu xanuunkaas hayey?

Rhea: Haa, Sushant markaan baranaayeyba wuu hayey xanuunkaas micnaha 2013 sido kale waxuu ibaray dhaqtarkiisa gaarka ah ee daawooyinka xanuunkaas u qori jiray marka wax shalay iyo maanta bilawday ma ahan mudo 7-sano kahor ayaan ogaaday in Sushant Depression hayey.

Lasoco suaalaha qeybta labaad iyo maalinta labaad:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here