filimka Saaho ayaa waxa uu la yimid bilaabasho weyn isagoo Prabhas noqday aktar kaliye kaaso awooda inuu 100 Crore soo xareeyo ka dib markii filimkiisa Saaho isku dar luuqadaha Hindi , Tamil , Teleg iyo kuwa kale oo badan uu ka keenay lacago dhan 100 Crore

iyadoo filimkan tiyaatarada uu saaran yahay mudo labo maalin ayaa waxaa durba laysla dhex-maraya warar xan ah iyo kuwa xaqiiqana kuwaaso sheeagayaan inuu filimkan noqon doono mid dhulka gali doona halka qaar kale ay difaacayaan filimka Saaho

haddaba waxaa arrintan ka hadlay filim falan-qeeyaha laga danbeeyo qabiirka lagu magacaabl Taran Adarsh kaaso markan dhankiisa ka hadlay sida ay la tahay mashruucan Taran ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo koobay ” Saaho waa mid aan loo dulqaadan karin Saaho waa mid isku darsaday xirfad xumi iyo talo xumo kuwaaso meel cidlo ah lagu bixiyay  waqti iyo lacag fara badan sheekadiisana waa mid daciif ah kaaso aan lagu talo gelin in tiyaatarada laga daawado waxaana midaas ugu daran in Directionka filimkan uu yahay mid iska ciyaar ah

Taran Adarsh ayaa filimkan siiyay qiimeyn ah 1/2 waana mid aad u hooseysa iyadii arrinkan ay xaqiijinayso Saaho inuu 100% noqon doono filimka dhulka gala oo guul-daraysta marka la guda galo maalmaha shaqada maadaama dadka lacagtooda aysan ku lumin doonin filimka la dhaliilaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here