
atariishadan caalamiga ah Priyanka Chopra ayaa labo maalin ka hor waxa ay u dabaal-dagaysay dhalashadeeda iyadoo 387 sano jirsatay maadaama ay dhalatay 18 bisha July ee sanadkii 1982
waxaana atariishadan fariimo hambalyo usoo diirayn shaqsi walba oo caan ah sida aktarada Bollywoodka iyo Hollywoodka laakiin waxaa atariishadan fariin maadeys ah hawada usoo mariyay qabiirka dhanka Aflaamta ninka lagu magacaabo Kamaal R Khan kaaso magaciisa loosoo raadiyo ( KRK)

isagoo qabiirkan si weyn ugu maadeystay iyada waxaana uu barahiisa bulshada usoo dhigay su’aal cajiib ah taaso ku saabsan quruxda atariishada Priyanka Chopra waxaana su’aasha la socotay hadiyad qaali ah
waxaana su’aasha ay u dhacaysay ama ay ahayd sheeg inta jeer ay Priyanka Chopra isku sameesay Surgery ( qaliin) dhanka quruxda ah hadad saxdo jawaabta su’aashan 100% waxaa halaysaa abaal-marin ah Mobile nooca Nokia
waxaana arrintan ay noqotay mid saxaafada dalka india ay si weyn u hadal-hayso inkastoo qabiirkan lagu yaqaano inuu mar waliba abuuro muran isagoo mararka qaar dhaleeceeyo Jilyaaasha Bollywood-Ka sida Salman Khan , Amir Khan iyo kuwa kale oo badan