Director Sanjay Gupta ayaa sheegay in filimkiisa fariinta gaangester-ka xambaarsan Mumbai Saga haatan 50% la duubay dhawaana jadwalka ugu muhiimsan mashruucan la amba qaadi doono waxaana la qorsheenayaa filimkan weyn in la daawado 19 June 2020 wuxuuna ka mid yahay aflaanta ugu waa weyn ee sanadkan Bollywood-ka lasoo shirtagayaan.

Balse Director Gupta wuxuu banaanka soo dhigay arin xiiso badan kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay aragtiyo u gaar ah labada filim hogaamiye ka ah John Abraham iyo Emraan Hashmi oo siweyn ugu xifaaltami doonaan shaashada awood walbana isku adeegsan doonaan madaama John gaangester ku jilaayo filimkan halka Emraan isagana askari loo xil saaray sifeynta tuugada ku matali doono.

Sanjay Gupta wuxuu dhahay “Waxa ugu weyn Mumbai Saga loo daawan doono waa dagaalka taariikhiga ah ee John iyo Emraan dhex mari doono ayadoo sheekada filimkan looga hadlaayo sidii magaalada Bombay kaga timid oo loo bixiyay Mumbai ayadoo laga sheegeen doono 80-maadkii iyo 90-maadkii gaangestariintii Bombay ka talin jireen iyo sida ay booliska ula dagaaleen.”

Director Gupta oo hadalka sii wato wuxuu “Si kooban Mumbai Saga waxaa loo daawan doonaa qamarjinimada John iyo sharci ku taagnaanta Emraan ayagoo si adag u wada dagaalami doonaan balse muhiimada filimkan fariintiisa waxay tahay inaan ka sheekeeno marxaladihii ay Mumbai soo martay.”

Marka laga soo tago John iyo Emraan sidoo kale filimkan waxaa doorar muhiim ah ku leh 11-jilaa oo kaalintooda qaadan doonaan booliska iyo tuugada la kala safan waxaana jilaayaash ka mid ah Suniel Shetty, Mahesh Manjrekar, Prateik Babbar, Gulshan Grover, Rohit Roy, iyo Amole Gupte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here