Waxaan maanta idiin la wadaagnay in mid kamid ah Sushant saaxiibadiisa shaaca ka qaaday xiriirka ka dhaxeeyay Sushant iyo Sara Ali Khan intii ay kuguda jireen sameeynta filimka Kedarnath ayuuna xiriirkooda banaanka yimid.

“Markaan isku arko labadooda waxay ila noqon jirtay inaan filim daawanaayo oo kale waxay ahaayen lamaane xushmad isku hayey midba midka kale balse nasiib xumo xiriirkooda dhowr bil kaliya ayuu jiiray kadibna wey kala hareen.”

Ayuu yiri saaxiibka Sushant oo saxaafada la hadlaayey hadaba qareenka ama abuukaataha Qoyska Sushant ninka lagu magacaabo Vikas Singh ayaa ka dhawaajiyay in xiriirka Sushant iyo Sara markuu bur buray wax walbo kasoo bilaawdeen isagoo ula jeeda dhibka iyo niyad jabka Sushant qabsaday halkaas ayuu kasoo bilaawday.

Sushant Singh Rajput case: Family lawyer speaks up on how the breakup with Sara Ali Khan left the late actor vulnerable [VIDEO]

Waxuu yiri isagoo hadlaayo,”Sushant murug oodhan waxay u bilaawatay markii Sara Ali Khan ay kala hareen run ahaanii Rhea wuu iska socday mooyee qalbi ahaan iyo dareen ahaan dhanka Sara ayuu jiray xiriirka uu Sara la lahaa ayaana ka weynaa midka uu Rhea la lahaa.”

“Balse Rhea waxaad moodaa inee nolosha Sushant usoo gashay qof dejineyso oo kale oo waxay ka dhib yareeysay murugadii dhanka Sara markee kala hareen inkastoo hadana labadooda dhib ka dhex  bilaawday ilaa ugu dambeyn iyagiina kala tagaan.”

Sushant kiiskiisa wali wuu socdaa CBI 6-qof oo lasoo dacweeyay ayaa u diiwaangashan waana Rhea, qoyskeeda iyo shaqaalaheeda waxayna maanta CBI ku dhawaaqen in Rhea aan lagu xiri karin kiiskan oo baaritaanadooda fagta hore sidaas ayee sheegen waxii soo kordha waan diiin la wadaageena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here