Sheeko xiiso badan ayaa laga hadal hayaa Koonfur Hindiya gaar ahaan fanka Telugu kadib markii la ogaaday Director Sriram Reddy sheeko ama filim uu la rabay hogaankiisa Mega Power Star Ram Charan inuu haatan gacanta ku dhigay atooraha aan la buun buuninin ee lagu magacaabo Sharwanand.

Director Sriram Reddy sheekada marka kowaad wuxuu la wadaagay Ram Charan wuuna aqbalay Ram inuu mashruucan hogaamiye ka noqdo sidoo kalena shirkada UV Creation ayaa maal galineyso balse sabab aan la aqoonin ayuu Ram haddane mashruucan uga baxay asigoo u cudur daartay Director Sriram Reddy.

Mashruucan waxaa la sheegay in kadib Sharwanand lala wadaagay sameyntiisa si deg deg ayuu ku aqbalay inuu filimkan hogaamiye ka noqdo wuxuuna ka howl gali doonaa marka uu dhameestiro duubista filimkiisa Sreekaram oo shaqadiisa qabyo tahay. Sidoo kalena wuxuu atoorahan gacanta ku heestaa filim kale oo lagu magacaabo Maha Samidram oo Ajay Bhupathi Director ka yahay waxaana xusid mudan filimkiisii ugu dambeeyay masraxa loo saaray inuu ahaa Jaanu oo ay isla jileen Samantha kaasi oo ganacsi ahaan ka guul dareestay.

Ram Charan dhankiisa waxaa qabyo u ah duubista filimka weyn RRR oo ay isla jilayaan Jr. NTR kaasi oo dhawaan duubistiisa la amba qaadi doono sidoo kalena wuxuu door muhiim ah ku yeelan doonaa filimka Acharya ee aabihiis Chiranjeevi hogaamiye ka yahay iyo dib u sameynta filimka Lucifier oo isla aabihiis hormuud ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here