Shraddha Kapoor ayaa taageerayaasha Instagram-ka si xowli ah kusocdaan mudadii 4-maalmood udambeysay waxayna heshay taageerayaal cusub oo ku taageereen sida ay u garab istaagtay Sushant Singh Rajput tacsidiisa ayee ka qeyb gashay sido kale baraha bulshada ayee fariin qiiro leh soo dhigtay waana dadkii ugu dambeyeen Sushant la shaqeeyay oo Chhichhore ayuu 2019 la sameeyay Shraddha.

Dhanka kale Alia Bhatt waaba qofka ugu daran inta Unfollow la dhahay oo hada waxay kusii dhowday 1.5 Million shacbiyad inee lumiyo waana layaab gabadhaan sida loo nacay hal hadal oo kaftan ah ay dhahday ayaa sidan dhan loogu mucaaraday.

Waxaana midaas la jirto in aabahed Mahesh Bhatt hadalo qalafsan Sushant ka sheegay, iyada oo is qaraabeysi lagu tiriyo iyo inee aad ugu dhowdahay Karan Johar waayo Karan waqtigaan gabadha uu Bollywoodka ugu jecelyahay la shaqeynteeda waa Alia Bhatt waxaana kusoo xigaan Kareena Kapoor iyo Kajol seddexdoodana saaxiibo qaas ayuu la yahay.

Shraddha mudo sanado badan ayee ku dhibtooneyd inee Alia ku dhaafto ama kusoo qabato shacbiyada Instagram-ka balse 4-maalmood udambeysay dad careysan ayaa howshan u fududeyeen hader shacbiyadeeda waxay dhaafayaan 48-million qof Instagram-ka halka Alia Bhatt 47-million mareyso waxaana macquul ah inee 46-million timaado waayo saacad walba dad ayaa Unfollow ku wadaan waana arin murugo leh oo gabadhaan lasoo daristay run ahaantii hadii sheekada sidan kusii socoto Alia aad ayee u niyad jabi doontaa waayo wax sahlan ma ahan inaad weyso shacbiyad aad mudo sanado ah soo dhisesay.

Dadkii ay kasbatay shalay ayaa maanta ka hor imaadeen arinkaan in xal deg deg loo helo ayaa la filaa dadkan careysana la dajiyo jilayaasha Bollywoodka badankooda waa lagu kacsan yahay Unfollow ayaana lagu wadaa laakiin Alia ayaa ah dhibanaha ugu weyn dhankaas marka laga hadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here