Home » Arimaha Bulshada » Qeybta Kowaad Sheekadii Wiilkii Madaxa Adkaa Iyo Gabadhii Waalidked Baariga U Ahed!!

Qeybta Kowaad Sheekadii Wiilkii Madaxa Adkaa Iyo Gabadhii Waalidked Baariga U Ahed!!

Hordhaca Sheekada Wiilkii Madaxa Adkaa Iyo Gabadhii Baariga U Ahed Waalidked:

Babu waa wiil madax adag oo aan waxbarasho lagu Karin waxuu bartaa Kuliya Injineerka waalidkiisa waa kuwa nolol iska dhex dhexaad ah isaga jira waxayna marwalba ku dadaalan in wiilkoda waxbarto kadibna shaqo wanaagsan helo balse wiilka waa mid waxbarashada dhankeeda aad u neceb asaxaabtisa, daawashada film iyo foodo kale ayuu waqtigiisa ku lumiyaa inta badan.

Waxuu ku guda jiraa imtixaankii udambeyay ee kuliyada Injineerka oo si qasab ah uu ku baranaayey balse waxba lama kala socda imtixaana uma diyaarsano sidaa aawged qash ayuu soo diyaarsaday isagoo cashirada imtixaanka lagu galaayo warqado kusoo wada qortay dadka inuu wiil waxbaranaayo daacadna ah ayee moodana balse waa mid xariif ah wax walbona xariifnimo ku xaliyo waxuu aad u jecelyahay la sheekesiga gabdhaha quruxda badan.

Babu fasalka ayuu soo gala si uu imtixaanka u galo balse waxaa jiro macalin mayaal adag oo aan wax lagu qashi Karin Class uu kujiro isla markii uu Class-ka soo galo waxuu ku dhawaaqa “qof walba oo qash ama inuu imtixaanka qisho isku diyaarinaayyey hader ha iska baxo” ayuu dhahaa ama qashka banaanka ha geeyo balse waxaa u jawaabayo Babu waxuuna dhahaa “qof walba oo qisha inoo diidayo inaan wax qishno fadlan ha iska baxo” arinkaan macalinkii aad ayuu ula yaaba doodan ayaana dhexmareesa Babu iyo macalinka.

Macalinka: oo ma waxaad isku diyaarineysa inaad wax qisho maanta?

Babu: oo maxaa khalad ah oo kujira hadan qish sameeyo?

Macalinka: Khalad ma aha miyaa inaad wax qisho halkii aad soo diyaarsan lahed cashirkaada?

Babu: Adiga waxaad u xilsaarantahay inaad buugaagta kaliya eegto oo cashir bixiso balse uma xilsaarnid inaad imtixaan qorto wixii qoris ah waa inaga ama aan qishno mise yeenan qishin (ardaydii Classka ayaa wada qoslayaan halmar).

Macalinka: Waligey qof noocan ah xarun waxbarasho kulama kulmin (Classk-ka ayuuna kasii baxaa)

Babu ayaa celinaayo macalinka waxuuna kudhahaa macalin waxaan kusiineena lacag badan ee qishka inoo ogolow hana bixin macalinka yaab ayaa kasoo haraayo imtixaanka maalinkas wuu ka qaada maalintii xigtay ayuu hadana Class-ka kusoo laabana macalinka waxayna is arkayaan Babu, macalinka naceeb ayuu u qaada Babu waxuuna u fahmaa inuu yahay mid aan waxba tareen mustaqbal wanaagsana sameesan doonin.

Babu maanta inuu diyaarsanyahay ayaa loo maleeya sababto ah warqado badan ayuu dalbanaa oo ilaa 35 warqad (A4) ah waxaadna moodaa qof wax badan qoraayo macalinka wuu yaaba warqadaha badana isagaa siinayo markii uu dhameeyo ayuu kuwareejina warqadihii macalinkii ayaa dhahaayo “maanta warqado badan ayaad dalbatay wax badan miyaad qortay” Babu waxuu ku jawaaba,” miyaad waalantahay? Aniga cashir masoo diyaarinin sidaa aawged warqadaha faaruqa ah waan iska buuxiyay uun halkii warqad hadii aan hal buundo ka helo waan baasay oo imtixaanka waan ku guulestay.”

Maalintii xigtay macalinka waxuu arkaa Babu oo qish sameenayo warqad yarna hoosta ku heysta wuu ka qaada warqada markii uu akhriyo ayuu dib ugu Celina hoo iska heyso warqadada ayuu dhahaa ardaydii Classka ayaa halmar wada qeylinayaan sababta macalinka uu Babu qishka ugu ogolaaday markaas ayuu macalinka ardayda usheega in maanta maado koronto la galaayo balse Babu uu sito maado Computer Science ah, Babu farxad ayuu lasoo booda waxuuna u mahadcelina macalinka isagoo jirkiisa meelo badan oo warqado qish badan ah iska soo saarayo macalinkuuna ku wareejina waxuna oga mahadcelina in uu ugu yaraan u sheegay in Koronto la galaayo sidaa aawged qishii uu hayey waxay ahed Computer Science ardaydii Classka halmar ayee wada qoslayaan.

Maalintii ugu dambeysay imtixaanka Babu waxuu galayaa Xisaab balse xisaabta qish kama keeni karo sidaa aawged warqada ayuu iska dul fadhiya macalinka ayaa dul imaanayo kuna amraayo inuu imtixaanka qoro balse Babu waxuu usheega in uusan wax qish ah heysanin, macalinka ayaa dhahaayo sababta uusan hal saacadod xitaa wax ubaran waayey ama usoo diyaarsan waayey Babu oo suaal la weydiin Karin ayaa macalinka ugu jawaabayo sababta uu hal saacadod le imitxaanka uu indhaha oga qabsan waayey si uu qish usameeyo macalinka ayaa dhahaayo “maanta hadaa ku guulesato waligaa dambe College-ka kuma soo laabaneysid soo ma ahan.”

Babu waxuu ku jawaaba in maadooyinka kale oo dhan uu ku guulestay tan bas u harsantahay hadii uu kudhacano dib usoo laaban doono, macalinka ayaa niyada ka dhahaayo kan haduu maanta xisaabta galo halmar lee haku moodo buugii xisaabta ayuu ukeena si qorsoodi ah waxuuna dhahaa” hoo qishka sameeso wajigaada le iga qari waligey dambe ha ila kulmin naceeb aan kuu qabaa qishka kuugu ogolaaday.”

Lasoco Qeybta Dambe: Sida Babu ula kulmi doono gabadha qalbigiisa dhex qaadeysa ee waalidkeeda baariga u ah Keerthy iyo sheekada dhexmari doonto xiisaha sheekada hadee bilaawatay..