Home » Nolosha Jilaayaasha » Qeybta sedexaad: Qaabkii Loo Sameeyay Filmka Thugs of Hindostan Film Xiiso Leh (+Video)

Qeybta sedexaad: Qaabkii Loo Sameeyay Filmka Thugs of Hindostan Film Xiiso Leh (+Video)

Maalmo bil kudhowaad ayaa ka harsan daawashada filmka loogu jecelyahay Bollywoodka sanadkaan ee Thugs of Hindostan kaaso hogaamiyaal ay ka yihiin Amitabh Bachchan iyo Aamir Khan.

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay qeybta sedexaad muuqal Video ah oo ka turjumaayo habkii loo sameeyay mashruucan qaasatan markii xidigaha filmka ay kudul duubayeen maraakiibta dushoodaiyo habka loo bur burinaayo maraakiibta dagaalna loogu jilaayo ayadoo markii hore aan idiin la wadaagnay maraakiibta la adeegsaday iyo duubista xidigaha maraakiibta kudul duubayaan markaana waa bur burinta maraakiibta iyo dagaalka sida loo jilay ama qaabka loo sameeyay..

Inaba caadi ma ahan sida ay shaashada u qeybsadeen Super Stars kala ah Amitabh Bachchan iyo Aamir Khan oo markii ugu horeysay shaashada wadaagayan waana arinka ugu weyn ee filmkaan loo daawan doono.

Muuqaalkan oo ah qeybta sedexaad sida loo sameeyay mashruucan TOH inta badan waxaa laga hadli doona ama lasoo bandhiga habkii loo gu duubay filmkaan maraakiibta dagaalka dushooda mashruucan iyo wareysiyo xidigaha filmkaan laga qaaday sida Big B oo wax badan sharxaayo iyo waliba Aamir Khan.

Filmka Thugs of Hindostan waxaa wada jilaayan Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Katrina kaif, Fatima Sana Shaikh iyo kuwa kale oo badan waxaana la daawan doono Diwali-ga 8 Nov 2018.

Director-ka filmkaan waa Vijay Krishan Acharya halka uu qarash gareenayo Aditya Chopra oo Yash Raj Films madax ka ah fadlan halkaan hoose ka daawo qeybta sedexaad sida loo sameeyay mashruucan TOH..

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *