Todobaadka koowaad markii laga soo tago isbuuca labaad waa midka ugu muhiimsan xiliga uu tiyaatarada saaranyahay filimka waxaana kaliya ka muhiimsan isbuuca koowaad.

Ahmiyada isbuuca labaad leeyahay wey badantahay waxaana ugu weyn in filimka halka uu higsanaayo lagu ogaado lacagaha uu isbuuciisa labaad soo xareeyo waayo fashil ku yimaado filimka isbuuciisa labaad waxay dhabar jab ku noqoneysaa guusha filimka balse haduu filimka is celiyo isbuuciisa labaad isla markaasna hoos u dhac weyn sameynin wuxuu qeyb lixaad ka qaataa guusha filimka.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybta 2aad 20ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda labaad, hadaba ka bogasho wacan.

16-Mission Mangal waxaa hogaamiye ka ah Akshey Kumar waxaana la daawaday sanadkaan 2019ka asigoona todobaadkiisa labaad keenay 47.19 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday Super Hit.

15- Housefull 4 waxaa hogaamiye ka ah Akshey Kumar waxaana la daawaday sanadkaan 2019ka asigoona todobaadkiisa labaad keenay 48.11 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday Super Hit.

14-Sultan  waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2016dii asigoona filimkaan todobaadkiisii labaad keenay 48.89 crore wuxuuna Box Officeka ka noqday Blockbuster.

Arinta layaabka leh waxay tahay in Filimka Sultan uu yahay filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkiisa koowaad asigoona keenay 208.99 crore balse todobaadkiisii labaad uusan is celinin misna dhulka galay balse haduu ganacsigiisa sii wadan lahaa wuxuu noqon lahaa All Time Blockbuster waxaana filimkaan ka lacag badan todobaadkiisa koowaad kaliya filimka Telagu-ga ee Bahubali 2.

13-Bajirao Mastani waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh waxaana la daawaday 2015 asigoona todobaadkiisii labaad keenay 55.19 crore wuxuuna filimkaan noqday Hit waxaana xusid mudan in filimkaan lala saaray filimka SRK ee Dilwale isla markaasna uu Box Officeka kaga awood badiyay.

La soco qeybta sadaxaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here