Todobaadka koowaad markii laga soo tago isbuuca labaad waa midka ugu muhiimsan xiliga uu tiyaatarada saaranyahay filimka waxaana kaliya ka muhiimsan isbuuca koowaad.

Ahmiyada isbuuca labaad leeyahay wey badantahay waxaana ugu weyn in filimka halka uu higsanaayo lagu ogaado lacagaha uu isbuuciisa labaad soo xareeyo waayo fashil ku yimaado filimka isbuuciisa labaad waxay dhabar jab ku noqoneysaa guusha filimka balse haduu filimka is celiyo isbuuciisa labaad isla markaasna hoos u dhac weyn sameynin wuxuu qeyb lixaad ka qaataa guusha filimka.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybta 3aad 20ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda labaad, hadaba ka bogasho wacan.

12-3Idiots waxaa la daawaday 2009kii waxaana hogaamiye ka ah Aamir Khan asigoona todobaadkiisa labaad keenay 56.15 crore wuxuuna Box Officeka ka noqday All Time Blockbuster.

11-Simmba waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh waxaana la daawaday 2018dii asigoona todobaadkiisii labaad keenay 61.64 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

10-Uri – The Surgical Strike waxaa la daawaday 2019kii sanadkaan waxaana hogaamiye ka ah Vicky Kaushal asigoona keenay todobaadkiisii labaad 62.76 crore wuxuuna filimkaan noqday Blockbuster weyn.

9-Dhoom 3 waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waxaana la daawaday 2013dii asigoona todobaadkiisii labaad keenay 64.51 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday All Time Blockbuster.

la soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here