Todobaadka koowaad markii laga soo tago isbuuca labaad waa midka ugu muhiimsan xiliga uu tiyaatarada saaranyahay filimka waxaana kaliya ka muhiimsan isbuuca koowaad.

Ahmiyada isbuuca labaad leeyahay wey badantahay waxaana ugu weyn in filimka halka uu higsanaayo lagu ogaado lacagaha uu isbuuciisa labaad soo xareeyo waayo fashil ku yimaado filimka isbuuciisa labaad waxay dhabar jab ku noqoneysaa guusha filimka balse haduu filimka is celiyo isbuuciisa labaad isla markaasna hoos u dhac weyn sameynin wuxuu qeyb lixaad ka qaataa guusha filimka.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybta 4aad 20ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda labaad, hadaba ka bogasho wacan.

8-Padmaavat waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh waxaana la daawaday 2018dii  asigoona todobaadkiisii labaad keenay 66.53 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

7-Kabri Singh waxaa hogaamiye ka ah Shahid Kapoor waxaana la daawaday sanadkaan 2019ka asigoona todobaadkiisa labaad keenay 78.18 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday Blockbuster weyn.

6-Tiger Zinda Hai waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2018dii asigoo todobaadkiisii labaad keenay 85.41 crore wuxuuna filimkaan noqday Blockbuster weyn inkasyoo shabakada BOI wali si rasmi ah xogtiisa usoo saarin.

5-Bajrangi Bhaijaan waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2015tii asigoona todobaadkiisa labaad keenay 86.28 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan gaaray dhanka Box Officeka All Time BlockBuster.

la soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here