Todobaadka koowaad markii laga soo tago isbuuca labaad waa midka ugu muhiimsan xiliga uu tiyaatarada saaranyahay filimka waxaana kaliya ka muhiimsan isbuuca koowaad.

Ahmiyada isbuuca labaad leeyahay wey badantahay waxaana ugu weyn in filimka halka uu higsanaayo lagu ogaado lacagaha uu isbuuciisa labaad soo xareeyo waayo fashil ku yimaado filimka isbuuciisa labaad waxay dhabar jab ku noqoneysaa guusha filimka balse haduu filimka is celiyo isbuuciisa labaad isla markaasna hoos u dhac weyn sameynin wuxuu qeyb lixaad ka qaataa guusha filimka.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybta 5aad 20ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda labaad, hadaba ka bogasho wacan.

4-Sanju waxaa hogaamiye ka ah jilaaga Ranbir Kapoor waxaana la daawaday filimkaan 2018dii asigoona filimkaan todobaadkiisa labaad keenay 90.52 crore wuxuuna darajo ahaan noqday Blockbuser.

3-PK waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waxaana la daawaday 2014tii asigoona filimkaan todobaadkiisa labaad keenay 96.37 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan noqday dhanka Box Officeka All Time Blockbuster.

2-Dangal waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waxaana la daawaday 2016dii asigoona filimkaan todobaadkiisii labaad keenay 111.56 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday All Time Blockbuster.

1-Bahubali 2 – The Conclusion waxaa hogaamiye ka ah Prabhas waana filim Telagu ah balse luuqada Hindiga lagu daawaday wuxuuna todobaadkiisii labaad keenay 142.52 crore asigoona filimkaan la daawaday 2017dii wuxuuna darajo ahaan noqday All Time Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here