Home » Arimaha Bulshada » Qeybtii 12aad: Sheekadii Qiirada Badneed Ee Dalal Iyo Bilan Caawana Maxaa Dhacaya!!

Qeybtii 12aad: Sheekadii Qiirada Badneed Ee Dalal Iyo Bilan Caawana Maxaa Dhacaya!!

Sheekada Qeybtii hore waxay inoo mareysay in Dalal iyo saaxiibkiisa ay ku qasbanaaden inee qalaan dameerkii hadaba maxaa dhacay.

Goortii dameerkii hilibkiisii la bisleeyey, qaarna ceyriin yihiin la soo dhigay oo Kuubaankii oo madow u badani soo fadhiisteen geedka hoostiisii, baa mid Diyas la yiraahdaa yiri, “Waan ka xumahay labadii dhallinyaro ee layska toogtay.”

Raa’uul oo madaxii kooxda ahaa baa yiri, “Sabab?”

Diyas baa ku noqdoo yiri, “Sababtoo ah dameer bey qali waayeen in loo dilo labo nin ilama fiicna, teeda kale miyeynaan damiir lahayn, oo ogeyn qaaraddaan aynu ku amar ku taagleyneyno, iney tahay tii awoowayaasheen qarniyo ka hor addoon ahaan looga iibsaday, waa tiiraanyo xaalladdaani.”

Raa’uul ayaa qaatoo yiri, “Iga daa kuwaasi doqon bey ahaayeene, kuwanina iyagaa dambiga iska leh, iney colloobaan, Kuubbase iyo meesha kaloo looga sii taliyo dan baa ugu jirta in gobolkan colaadi ka jirto. Haddii kale ma heleen barwaaqadaan raqeyno oo kuwa inoo soo ugaarayaan, kuwana inoo qalayaan, oo waliba ku toogtooganeyno sidaan doonno kuwaan yeelin. Iska aammusa saaxiibbayaal haddey nabadi dhacdo waxaa ina hurran hilibkii miilada ahaa ee Hafaana. Sidaas darteed, waa faa’iidadeenna ee halkaas ku daaya waxaan heysanaa khamro, cunto iyo weliba dad inoo shaqeynaaya madax iyo majo’ xaggee intaas ka heli lahayn? Kolleyba intaas dalkeennii ka helimayno.”

Diyas baa hadalkii ku noqdoo yiri, “Kolleyba anigu waa tiiraanyoodaa min maalintaan akhriyey sheekadii qoraagii weynaa Aleks Helay, ee Roots, khaas ahaan markaan arko dhacdooyin la mid ah kuwuu buuggiisa kaga sheekeeyey, oo raggeennaan halkan fadhiya awoowayaashoodii ku dhacay, kaddib markii awood looga qafaalay Afrika qarniyo ka hor.” Sheekadii oo raggii kale xiiso gelisay awgeed, buu halkii ka sii waday Diyas, isagoo leh “Kunta. Kuntee. Kunta. Kuntee. Garbahay xanuuna markaan xasuusto markii Kunta hoobalkii sheekadaas, jilbaha dhulka loo dhigay, oo mid ma naxe kireysan ahi, maddane kulul oo kuleyl la caddaaday dabka kala soo baxay, oo halkaas labada garab dhexdooda ah, xoog ugaga dhejiyey; qiiqii ka soo baxay dubkiisii huruushoobeyna kii wax suntaayey wax ka arki waayey. Taahuu aah aah yirina afkuu kala qaaday dib isugu keeni waayey labadiisii fuq, ilaa uu ciidda qaniinay.”

Mid raggii kale ka mid ah baa yiri, “Anigaaba jiriiricoodee muxuu ahaa Kunte? Maxayse yihiin dhacdooyinka taas la midka ah ood aragtay?”

Raa’uul baa yiri, “Intuu hadba buug soo fiirfiiriyo buu aqoonyahan beryahan Diyas-keen isaga dhigaa ee sidaas ma og tihiin?”

Isagoo Diyas kii hore u jawaabaya ayuu yiri, “Waxa laga yaabaa marka Kunta la suntaayey in adiga awoowgaagii lixaad, ama toddobaad laga hor suntay, oo uu ciidda afka ku hayey, amaba summad suge ahaa, wadnuhu markaas gargariiraayo. Dhacdooyinka taas la midka ahina, waa kuwa halkan ka dhaca oo innagu ridno, oo aynnu ku hayno dadkan reer guuraaga ah, oo qaar ku dilo sabab la’aan, sida maantadan dhacday, qaar ku xirxirno, sida dhallinta aan maalin walba soo qaqabanno, qaarna dalkooda ka rareyno oo qaxooti iyo cayr ka dhigayno, qaarna Raa’uul diyaaradaha ku leynaayo. Miyaaney dhacdooyinkaasoo dhammi jirin. Dadkanse aan leyneyno oo innagu nahay aaladdii lagu muquuninaayey, muxuu yahay danbigey galeen? Ma xornimaan rabnaa bey denbi ku galeen? Maxaase keenay si loo cadaadiyo Soomaali-Galbeed in ciidamo uga yimaadaan Kuuba, Afrikada Waqooyi, kuwana uga soo gudbaan Badda Cas? Waa markii iigu horeysay oon arko nin madow oo nin madow addoonsanaaya. Yaab badannaa!”

Iyadoo aad moodid in Raa’uul iyo Diyas laysu dhegeysanayo, ayaa Raa’uul qaatoo yiri, “Annagu waajib baan fulineynaa, kuwani xornimo helimaayaan ee qoortaa lagaga joogi cid loo adeegsadaba weligood.”

Diyas baa qaatoo yiri, “Waad qaldan tahay, maxaa yeelay, sow ma ogid awoowayaasheen iney ku qaadatay dhowr qarni iney silsiladihii addoonsiga iska furaan, kuwaanna la arkee iney in ka yar ku qaadato, mar haddii dareen xornimo ku abuurantay, dalkeenna uun baa taariikh madow ku yeeshay geeska Afrika, ogow saddax fac ka hor, qaaraddaan ka nimid addoon la leeyahay baan ku ahayn.”

Raa’uul baa qaatoo yiri, “Hooyadaa u sheeg, ra’yigaasna waad ka shalleyn doontaa.”

Halkaasaa Diyas intuu xabbad sigaar ah oo u shidneyd demiyey istaagay oo yiri, “Aniga damiirkeygaan ii oggoleyn inaan wax ka cuno hilib dameer oo laba nin oo diiday iney qalaan Raa’uul u toogtay.” Dabadeedna waa iska dhaqaaqay intuu koofiyaddiisa qaatay.

Raa’uul ayaa hadal ka dabatuuroo yiri, “Jaallaheen weynaan ogeyne ururrada xuquuqda bani’aadanka ilaaliya ayuu xubin malaha ka yahay, hab askari ma aha.”

Markuu Diyas iska tegey baa mid kale oo aan hore u hadlin yiri, “Ra’yiga Raa’uul qabo baan qabaa, oo innaga waa inoo dan inaaney is afgarasho ka dhex dhicin Xarunta Ubaxa, oo ubaxeedu sidaad u aragteen quruxdiisu indho sarcaad kugu rideyso, iyo xarunta kalee Luulkii Badweynta Hindiya loogu magac daray, oo sideyda hore nin u tagay baa maleyn karee, waa hibo Ilaahe caanka ku ah canbarka iyo cuudka udgoon.”

Raa’uul baa markaas madaxii dameerka intuu labada dhegood qabtay, oo kor u qaaday yiri, “Fifaa la Hafaana!” Halkaasey intii kalena, “Fifaa la Hafaana! Fifaa la Hafaana!” tiri oo shafka la dhigay hilibkii oo caydhiin iyo biseylba isugu jira.

Goor min dhowr jeer hilibkii la cancantuugey, baa raggii aammusnaa mid kale hadloo yiri, “Anigu waa aammusnaa oo wax baan dhegeysanaayey, run haddaan ku hadlo arrimuhuu Diyas sheegay wax baa ka jira, oo dadkeenna reer Kuuba in badan baa qabta iney khalad tahay ineynu ka qaybqaadanno dad la cadaadinaayo cadaadiskooda, waase iska aamusan yihiin.”

Raa’uul baa afka kaga booday oo yiri, “Aamus! Dooddaasi waa xiran tahay, hadda wixii ka dambeeyana ninkii ka soo horjeesta waajibaadka layna faray waa dambi weyn, ee nin dib uga hadlaa ayaanu jirin, Diyas waa eedi doonaaye.”

Raa’uul kama been sheegin, in Diyas eedaayo damiirkiisa iyo ra’yiguu qabo oo aanu qarsaneynin, saa maxaa yeelay muddo yar kaddib Hafaana ayaa laga sheegay isagoo suuqyadeeda lafalafeysanaaya, nasiibse wuxuu ku lahaa damiirkiisa loomana dilin loomana xirin.

 

Lasoco Qeybta 13aad Ee Sheekada Dalal Iyo Bilan Waana Gabogabo sheekada:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *