Qeybtii kowaad waxay inoo joogtay Samiir oo gabadhii Soniya ahed shab dhahay misane ku adkeystay inuu barto inkastoo saaxiibkiis kaga digay oo dhahay gabadhaan wiilasha lama sheekeysato ee iskadhaaf wey kulushahay hadana isaga waxuu go’aansaday inuu war ka keeno ugu dambeyna wey isfahmeen maadama uu ku bartay magaca saaxiibkiis Sunil aawgii hadaba qeybta labaad maxaa dhacay.

Samiir oo sheekada noloshiisha kudhacday misane ka sheekeyay oo buug ka qoray aan udhaafo sheekaada qeybta labaad si uu inoogu dhameestiro waxuu yiri isagoo hadlaayo.

“Sheekadii kowaad iyo isbarashadii kowaad aadbaan ugu farxay iyo sida ay ii soo dhaweeysay Soniya run ahaantii aniga ma aheen qof gabdhaha in badan la haasaawo balse dusha sare waan ka jeclaa inaan mar uun gabar la saaxiiboo oo lamaane yeeshto maalintaas farxad iima dhineen waxaan noqday sida qof helay dunida wax walbo uu rabay waxaan noqday sida qof aduunyadii oodhan hareerahiisa la keenay.”

“Maalintii xigtay ayaan sheekada lasii wada waxaan udiray fariin qoraaleed markale waxaan dhahay sidee tahay Soniya, “waan fiicanahay adiga sidee tahay” ayee iigu soo jawaabtay durba waxaan bilaaway inaan weydiiyo xiriir jaceyl inee leedahay ileen waxba I riixayo markaase iyadoo aad moodo dhari kululaaday caro ila soo gashay waxayna tiri,”yaad ii maleysay aniga gabdhaha noocaas ma ahi waxaasna ha iila imaan.”

Markaan akhriyay qoraalkaas ayaan qosol qac kasiiyay waayo waa wax caado iyo dhaqan guud ah marka gabar suaashaas la weydiiyo inee qaabkas u hadasho run ahaanti dhanka Soniya waan u jilicsanaaday anoo awalba iska ahaa nin qalbi adag waxaan is arkay anigoo dhan inaan suuro noqday dhanka kale Soniya wixii markaas ka dambeyeen fariin qoraaleed ayaan ku sheekeysan jirnay waayo waan ka baqanaayey inaan toos uwaco ama kulan waji ka waji ah waayo waxaan diidana inee muuqaalkeyga igu nacdo.

“Habeen habeenada kamid ah xili 10:pm saacada markee ahed ayee fariin qoraal ii sodirtay waana mudo kadib mar aan sheeko ahaan isla qabsanay kadib waxay itiri maanta fariin qoraal iima aadan soo dirin halkee jirtay markaas ayaan usheegay inaan ku mashquulsanaa shaqo aan Internet-ka ka baadi goobayey markaase soo booday oo ay tiri igadaa arinkaas ee ii sheekee qaali.”

“Anigoon kiis iska waal gelin baan dhahay qof noocee iga aamisantahay inaan ahay markaase tiri waxaad saaxiib la tahay qof aan in badan ku kalsoonahay oo sir walba ku qarsado waqtigaa rabo waxayna kawadaa Sunil oo ay isla soo koreen waxna isla soo barteen run ahaantii habeenkaas ma seexa labo arin aawgood mida kowaad hadalkeedii ahaa qaali iisheeke iyo inee si dadban iigu sheegtay qof la aamini karo inaan ahay waxaan halkaas ka fahmay inee waxyar kalsooni ii qaaday.

“Maalintii ugu horeysay aan codkeeda maqlo waxay ahed xili saaxiibkey doonayey inuu u safro Bangalore duulimaadyada gobolkaas in la helaayo ayuu deg deg u rabay maadama shaqo Interview uu lahaa kadib ayan deg deg ku wacay Soniya maadama ay ka shaqeyso xafiiska duulimaadyada iyada xitaa marnaba ma aysan filaneynin wicitaankeyga waxaan weydiyay in la helaayo duulimaad Bangalore waxayna iisheegtay inee jawaab beri igu soo celineyso.”

“Inkasoo Soniya saaxiib ahen oo fariiin qoraaleed dabeecad ahaan isku baranay hadana markaan cod kula sheekestay waxay ila noqotay gabar aan waligey baran oo kale maalintii xiktay ayee isoo wacday waxayna iisheegtay macluumaadka Bangalore kadibna hadalkii aan usheegay ayee itiri qaabkaan kuugusheegay kusoo celi markii aan ku celiyay ayee qososhay weyna iga dansatay taleefaanka kama harin isla markii qoraal ayaan udiray waxaan dhahay qosolkaada sidaan oodhan miyuu u qurxoonaa  runtii waan ka helay qosolkaada waxay iigu jawaabtay mahadsanid lkn waan cabsaday markii koow isoo waceysay ileen horey codkaada uma maqal lama filaan ayaad iiga dhigtaay.”

“Aniga xitaa waxaan usheegay inaan yara baqay oo mar xitaa hadalka igu ceshmay habeenkii xigay ayee isoo wacday cod ayaan ku sheekeysanay ilaa xili dambe laga gaaray heer aan dhaho dami telefaanka aan seexano iyadan wey iga diiday wax walbo ayaan ka sheekeysanay habeenkans qoysaska, iyo dabeecadaheena midba midka kale balse hal arin ayaan ka qariyay caafimaadkeyga jir ahaaned iyo muuqaalkeyga rasmiga ah waana khaladkii kowaad aan Soniya ka galay habeenkaas waxaan dareemay Soniya inee dareen ii heyso balse afka aysan ka sheegan karin iyo sida ay nafteyda oga fikireyso habeenkaas hurdo wey diiday ilaa 5 subaxnimo laga gaaray waan wada hadleynay.”

Lasoco Qeybta 3-aad SAMIIR oo go’aansanaayo inuu Soniya runta usheego maxuusa yahay cudurka hayo Samiir ee uu Soniya ka qariyay muuqaalkiisa nin foolxun miyaa iyo jaceylkooda halka uu ku dambeynaayo lasoco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here