Waxaan qeybtii hore wareysiga kusoo qaadanay atiriishada Kareena Kapoor suaalihii koobnaa iyada si qaas ah loo weydiiyay markaana waxaan kusoo qaadaneena Akshay Kumar suaalihii la weydiiyay iyi suaalaha ugu shactirada badnaayen barnaamijka.

Kapil Sharma oo wareysanaayo Akshay Kumar, Diljit & Kiara:

Kapil: Akshay xaaskaada wax walbo ay kudhahdo maka dhageysata tusaale hadee kudhahdo jooji Filim jilista ma joojin lahed?

Akshay: Haa, waan joojin lahaa sababto ah in xaaskaada aad maqashid oo warkeeda qaadatid waxay kamid tahay xushmada aad uheyso horey ayaa kajoojin lahaa hade idhahdo sidaa.

Kapil: Diljit markii ugu horeysay ee aad Kareena la shaqeyso dareenkaada siduu ahaa?

Diljit Dosanjh: Udta Punjab ayaa kala shaqeyay markii kowaad waan xusuustaa subaxaas habeenkii xili hore ayaa seexday markaa subaxii soo kacay waxaan isdhahaayey nafteyda,”dhaqso Diljit maanta Kareena ayaa filim la duubeysaa” waan ku celceliyay oraahdaas ilaa aan ugu dambeyn kala kulmay mana qiyaasi karin farxadaa dareemay.

Kapil: Kiara markaa fasalka 10-aad iskuulka dhiganeysay xiriir jaceyl miyaa lahed ama wiil aad saaxiib la ahed majiray?

Kiara Advani: Haa, wuu jiray waliba hooyadey waan ka qarin jiray wiilkaas iyo xiriirkaasba oo waxbarasho kaliya ayee xooga saar idhihi jirtay waxayna itiri hadii aad iskuulka dhameyso markaas sameyso wiil saaxiib kula noqdo (Boyfriend).

Kapil: waxaan maqalnay Akshay in asaxaabtaada gaarka ah ee aan Bollywoodka qeyb ka ahen in aad Filimadaada door kasiiso ama ay kasoo muuqdaan qaab muuqaal marti ahaan ah daawadayaashana aysan fahmi karin sababta sidas u yeeleysana ay tahay fursad aad kula kulanto gaar ah ayaad weysay sidaas ayaana goobta Filimada lagu duubo ugu yeerta warkaas maxaa kajira?

Akshay: waa run arinkaas oo hadaba barnaamijka waxaa nalaga qeyb qaadanayaa qaar kamid ah asaxaabteyda gaarka ah (kadibna wuxuu farta ku fiiqay 3 nin oo da’aadiisa oo kale ah) marka fursad uma helo aan ku booqdo waxaan ku kulana meelaha aan shaqada ku leeyahay oo aan ugu waco sida Filim duubista ama barnaamijkaan oo kale.

Kapil: Diljit ma runbaa in Karan Johar ka helay kabaha aad xirned maalintii goos gooska Good Nwwz lasoo bandhigaayey maalintii xigtayna kabo qaali ah aad soo xiratay si mar labaad Karan kaga helo xarakadaada?

Diljit: waa been in aan isaga dartii usoo xirtay kabaha balse waa run maalintii xigtay in aan kabo qaali ah soo xirtay.

Kapil: Kiara muuqaalka aad ugu jeceshahay Kareena Filimadeeda waa midkee mana dhacday in aad Filim kusoo bandhigtay muuqaalkaas?

Kiara: haa waxaan ugu jeclahay muuqaalkeeda ama doorkeeda Poo ee Filimka KG3 waliba markee dhaheyso “How Dare You” dabcan aflaamteyda waad ku daawatay anoo iska dhigaayo iyada.

Kapil: ma runbaa Akki inaad lacagta ka gurubsato jilayaasha kula shaqeyaan adoo ciyaar sharad ah kaga cunto intaa ku guda jirtaan duubista Filimada?

Akshay: Haa waa run waliba Diljit Dosanjh 4kun Rupees ayaa ka cunay ama ka qaatay qaab sharad ahaan oo aan kaga guuleystay ciyaar aan ciyaarnay intaa duubeynay Good Newwz si lamid ah Kareena & Kiara.

Kapil: gurigaada dhowr dabaq ayuu leeyahay xafiiskaada waa dabaqa seddexaad balse dabaqa labaad waxaa kuyaalo xafiis kale oo shaqaalahaada fadhiyaan kuwaaso mushaarka ka aruuriyaan qofkii kor kugu imaanayo oo xafiiskaada usoo gudbaayo ma runbaa sheekadaas?

Akshay: Haa waa run (kadib Kareena ayaa Akki foodeyneyso waana muuqaal shactiro ah) Akki waxuu yiri isago siiwato hadalka, waa qof iiqaabilsan inuu mushaarka kula heshiyo qof walbo iigu imaado inaan howl uqabto howsha hadaan horey isuguso fahanay mushaarka halkaas ayuu kubixiyaa waana qol gaar ah oo aniga sameystay.

Muuqaalada ugu shactirada badan barnaamijka:

Kapil Sharma ayaa kareena iyo Kiara ka codsanaayo ine uso dhowaadaan oo Akki iyo Diljit kasoo fogaadaan si uu niyada ugu dhisto inee dhinaciisa xigaan labo atiriisho balse Akki ayaa kahor istaagayo arinkaas markaas ayuu Kapil dhahaa.

“In kabadan 100 Filim ayaad sameysay Akshay waxaadna la shaqeysay 130 ilaa 140 atiriisho qiyaas ahaan waayahaada fanka ma waxaad ii quuri weysay 2 saacadood ee aad barnaamijkan joogto inee Kareena iyo Kiara dhinaceyga fadhiyaan.”

Akki oo mirir iska dhigaayo waxuu yiri,”marnaba atiriishooyinkeyga kuuma ogolaanayo inaa udhowaatid waayo gacmahaada ma xakameyn kartid (dadkii oodha wey wada qoslayaan muuqaalkaas).

Kadib Kapil ayaa dhahaayo,”Kiara ma niyesan karaa anoo dhinacada fadhiyo maadama Akki iidiiday” balse Kareena ayaa dhaheyso kaalay Kapil aniga iyo Kiara dhexdeena soogal so fariiso wuuna fariisana markuu fariisto Akshay ayaa xanaaqaayo kkkkk.

Waxuu Kareena kudhahaa,”Bebo idhageyso Filimkeena ugu dambeyay waa Good Newwz mardambe mawada shaqeyneno maadama Kapil Sharma inuu dhinacaada fariisto u ogolaatay” waana muuqaal qosol badan dadka dhan uu Akki ka qosolsiiyay xili Kareena afka qabsatay qosol aawgii.

Waxaa xiga Kapil Sharma oo Akshay wax ka weydiinaayo lacagaha Account-kiisa gaarka ah kujiraan cadadkooda Akki ayaa diidaayo inuu sheego balse Kareena ayaa foodeyneyso.

Markaas ayuu dhahaa Akshay isagoo Kareena wax ka sheegayo iyo walaashed Karisma,”waxaan la yaabay sababta Kareena lacagteyda ugu mashquuleyso anago og inee hantiile tahay horta ma ogtihiin gabadhaan iyo walaashed Karisma inee awood ku heystaan xaafada Bandra (Mumbai) majiro dabaq Bandra kuyaalo oo aysan Kareena iyo cideeda laheen dhamaan xaafadaas guryaha kuyaalan ayaga leh dadka dagana ijaar ama kiro ayee ka qaataan markaase aniga kisteyda yar ku mashquulee.”

Qosol badan ayaa goobta ka dhacay markuu Akki sidaa yiri dhab ahaantii waxaadba moodaa inee isla soo koreen Akshay iyo Kareena sidee isku foodeynayaan markaa aragto xalqadan muuqaal ahaan..


Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here