All Time Blockbuster waa darajada ugu sareyso uu filim Box Officeka ka gaaro mana jirto darajo ka sareyso oo uu filim gaari karo.

Filim kasta heerkaas inuu gaaro iska dhaafee atoorayaasha qaar ayaan wali filim heerkaas gaaray sameynin waliba jilayaal 30 sano ku dhawaad fanka ku jiraan ayaanan wali arkin sida Akshay Kumar iyo Ajay Devgan.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa xogta 12da filim ee darajadaas gaartay kuwaasoo keydka Box Office India ku jiraan anagoo waliba sida ay u kala weynyihiin usoo qaadan doono.

Qeybtii koowaad waxaan kusoo qaadanay filimada Dhoom 3, 3 Idior iyo PK oo dhamaantood uu Aamir Khan hogaamiye kayahay.

Halkaan kaga bogta qeybtii 2aad.

9-Bajrangi Bhaijaan;

Waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan waxaana la daawaday 17dii Jully 2015tii asigoona Box Office kasoo xareeyay 315.49 crore.

Lacagahaas hadii suuqa maanta lagu jaangooyo waa 340.60 crore.

Filimka Bajrang Bhaijaan wuxuu kaalinta 9aad kasoo galay 12da filim ee darajada All Time gaareen kuwaasoo xogtooda BOI ku keydsantahay.

8-Kuch Kuch Hota Hai;

Waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Shahrukh Khan waxaana la daawaday 16dii oktobar 1998dii asigoona waqtigaas Box Officeka kasoo xareeyay 46.86 crore wuxuuna noqday All Time Blockbuster.

Lacagahaas hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay noqoneysaa 342.92 crore taasoo ka dhigeyso in kaalinta 8aad kasoo galo 12da Hit ugu weyn.

7-Border;

Waxaa la daawaday 13dii Juun 1997dii asigoona Box Officeka kasoo xareeyay 39.45 crore wuxuuna noqday All Time Blockbuster.

Lacagahaas hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay noqoneysaa 356.62 crore taasoo ka dhigeyso filimka 7aad ee ugu weyn 25tii sano ugu dambeysay.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here