Suaalo badan ayaa la weydiiyay shabakada Box-office India oo ah shabakada ugu fiican ka hadasho jilayaasha iyo Filimada waana shabakada sheegtay darajooyinka Megastars iyo Superstars sida loo kala yahay marba 10 suaalood ayaan kasoo qaadaya suaalaha tirada badan la weydiiyay.

1-Yaa awood badan atiriisho ahaan Sridevi iyo Madhuri Dixit marka Box-office la joogo.?

Jawaabta BOI: suaashan waa mid soo noqnoqotay waana wax adag ka jawaabista Madhuri awoodeeda ayee filimo badan Big Hits kaga dhigtay halka Sridevi awoodeda filimo badan ku hogaamisay atoorayaal iyo atiriishooyin badan xaga xidignimana waxaa ku horeysay Sridevi.

2-Anil Kapoor iyo Sunny Deol yaa ku awood badnaa fanka hindiya 80-maadkii maxuuse ahaa loolanka ka dhaxeeyay.?

Jawaabta BOI: Anil isaga iska lumiyay fursadii uu Amitabh Bachchan kursiga hogaanka kagala wareegi lahaa bilawgii 90-kii waayo filimo badan uu diiday waxaa qaatay Sunny Deol kuna meel maray awood waali ah ayuu lahaa Anil dhamaadkii 80-kii xitaa waxaa la arkay filimo uu door yar kulahaa oo la hogaaminaayey inuu awoodiisa ku suuq geeyay marka Sunny waa laga awood badnaa xiligaas.

3-Xiligii ugu xumaa fanka hindiya iyo xiligii ugu fiicnaa ma inoo kala sheegi kartiin.?

Jawaabta BOI: xiligii ugu fiicnaa fanka hindiya waxuu kasoo bilaawanaa 1963 waana markii aflaamta in kalar laga dhigo bilaawatay oo Black and White laga soo guuray xiliga ugu xumaa waxuu soo bilaawana bilawgii qarnigaan ama 2005 wixii kadambeeyay ilaa hada tayadii aflaamta fanka hindiya lagu yaqaanay malahan.

4-Hadii Dharmendra yahay midkii ugu fiicnaa Box-office-ka oo guulaha ugu badan gaaray saas eetahay maxaa looga hormariya Amitabh Bachchan.?

Jawaabta BOI: Sababta waxay tahay celceliska guulaha aflaamta boqoley ahaan Amitabh ayaa badan tusaale Dharmendra 60 Hit ayuu heestaa isagoo 250 Filim kabadan sameeyay halka Amitabh 50 Hit kudhowaad heesto isagoo 150 Filim kudhowaad sameeyay.

5-SRK 10 Filim Big Hits ah ayuu sameeyay 90-maadkii wuuna ka shidnaa Sunny Deol isagoo 1992 ahaa maxaa hadana Sunny 1aad udhahdeen shabakadaha kale oodhan SRK ayee uqireen inuu kowaad ahaa.?

Jawaabta BOI: tartanka SRK iyo Sunny Deol mid adag ayuu ahaa 90-kii waxuuna SRK noqday midka kaliya cagta cagta usaaray Sunny isagoo waliba gadaal kayimid shabakadaha kale waxba nagama gelin jawaabta suaashan oo fududna waxaa waaye SRK 7-sano ayuu awood lahaa (1993-1999) halka Sunny Deol awood lahaa 10-sano (1990-1999) sida aawged atoore 10 sano awood leh ayaa kowaad noqon karo balse SRK hadii 1990 sobixi lahaa kowaad wuu noqon lahaa waayo xawaare sare ayuu kusocday dhibco ahaan Star Power-ka.

6-Midkee muhiimsan in atooraha Filim hogaamiyo ama in filimkaas isaga la hogaamiyo balse uu awoodiisa ku suuq geeyo?

Jawaabta BOI: labadaba waa muhiim waxaase muhiimsan in atooraha awoodiisa filimka ku suuq geeyo oo ku iibiyo tusaale Qahar Sunny Deol iyo Sunil Shetty waa caawiyaal waxaana hogaaminaayo door ahaan Arman Kohli balse waxaa awoodooda ku iibiyeen oo suuq geyeen Sunny Deol iyo Sunil Shetty marka waxaa fiican suuqa ina adiga kusareysid hadi door ahaan iyo awooda suuqa isku heshid filimkaasna waa kasii fiican.

7-Waa kee Album-kii heesaha ugu weynaa Bollywoodka sanadkii 2002.?

Jawaabta BOI: Raaz ayaa ahaa Album-ka loogu jeclaa looguna iibsi badnaa sanadkaas. Suaashe siweyn kuuxiiso gelisay lambar ahaan nala wadaag.?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here