All Time Blockbuster waa darajada ugu sareyso uu filim Box Officeka ka gaaro mana jirto darajo ka sareyso oo uu filim gaari karo.

Filim kasta heerkaas inuu gaaro iska dhaafee atoorayaasha qaar ayaan wali filim heerkaas gaaray sameynin waliba jilayaal 30 sano ku dhawaad fanka ku jiraan ayaanan wali arkin sida Akshay Kumar iyo Ajay Devgan.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa xogta 12da filim ee darajadaas gaartay kuwaasoo keydka Box Office India ku jiraan anagoo waliba sida ay u kala weynyihiin usoo qaadan doono.

Qeybtii koowaad waxaan kusoo qaadanay filimada Dhoom 3, 3 Idior iyo PK oo dhamaantood uu Aamir Khan hogaamiye kayahay.

Halka qeybtii 2aadna aan kaga soo hadalnah filimada Border, Kuch Kuch Hota hai iyo Bajrangi Bhaijaan kuwaasoi ay kala wadaan Sunny Deol, Shahrukh Khan iyo Salman Khan.

Halkaan kaga bogta qeybtii 3aad.

6-Dangal;

Waxaa la daawaday 23dii December 2016dii waxaana hogaamiye ka ah Super Star Aamir Khan asigoona soo xareeyay 374.53 crore wuxuuna noqday All Time Blockbuster.

Lacagaha uu Dangal soo xareeyay hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waxba iskama badalin waana isla 374.53 crore taasoo ka dhigeyso filimka 6aad ee kacagaha ugu badan soo xareeyay

5-Raja Hindustan;

Waxaa hogaamiye ka ah isla Aamir Khan waxaana la daawaday 11dii Novmber 1996dii asigoona soo xareeyay 43.14 crore wuxuuna markaas noqday All Time Blockbuster.

Filimka Raja Hindustani lacagaha uu waqtigaas soo xareeyay hadii sicirkiisa maanta lagu jaangooyo waa 394.05 crore taasoo ka dhigeyso in kaalinta 5aad kasoo galo 12da filim ee darajada ugu sareyso gaaray kuwaasoo xogtooda BOI ku keydsantahay.

4-Dilwale Dulhania Le Jayenge.

Waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Shahrukh Khan waxaana la daawaday 20kii Oktobar 1995tii asigoona waqtigaas Box Officeka kasoo xareeyay 53.31 crore wuxuuna noqday All Time Blockbuster.

Lacagahaas hadii sicirka maanta loogu jaangooyo waa 461.33 crore waxayna taas ka dhigantahay inuu kaalinta 4aad kasoo galo 12da filim ee darajada ugu sareysay gaaray 25kii sano ugu dambeysay.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here