All Time Blockbuster waa darajada ugu sareyso uu filim Box Officeka ka gaaro mana jirto darajo ka sareyso oo uu filim gaari karo.

Filim kasta heerkaas inuu gaaro iska dhaafee atoorayaasha qaar ayaan wali filim heerkaas gaaray sameynin waliba jilayaal 30 sano ku dhawaad fanka ku jiraan ayaanan wali arkin sida Akshay Kumar iyo Ajay Devgan.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa xogta 12da filim ee darajadaas gaartay kuwaasoo keydka Box Office India ku jiraan anagoo waliba sida ay u kala weynyihiin usoo qaadan doono.

Qeybtii koowaad waxaan kusoo qaadanay filimada Dhoom 3, 3 Idior iyo PK oo dhamaantood uu Aamir Khan hogaamiye kayahay.

Halka qeybtii 2aadna aan kaga soo hadalnah filimada Border, Kuch Kuch Hota hai iyo Bajrangi Bhaijaan kuwaasoi ay kala wadaan Sunny Deol, Shahrukh Khan iyo Salman Khan.

Sidoo kalana qeybtii 3aad waxaan kusoo qaadanay filimada Dangal, Raja Hindustani iyo Dilwale Dulhania oo ay kala wadaam Aamir Khan iyo Shahrukh Khan.

Halkaan kaga bogta qeybtii 4aad.

3-Gadar – Ek Prem Katha.

Waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Sunny deol waxaana la daawaday 15tii Juun 2001dii wuxuuna soo xareeyay 76.88 crore asigoona noqday All Time Blockbuster.

Lacagahaas hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waa 486.36 crore taasoo kaalinta 3aad soo galineyso filimada guushii ugu sareysay gaaray.

2-Bahubali – The Conclusion;

Waxaa la daawaday 28dii April 2017dii waana filim koonfur laga leeyahay gaar ahaan Telagu balse qeybtiisa Hindiga ganacsi ahaan waxay soo xareysay 510.36 crore taasoo ka dhigtay filim All Time Blockbuster ah.

Lacagaha uu Bahubali soo xareeyay waxay kaalinta 2aad kasoo galiyeen 12da filim guusha ugu sareysay gaaray 25tii sano ugu dambeysay taasoo xogtooda BOI ku diiwaan gashantahay.

1-Hum Aapke Hain Koun;

Waa filimkii ugu weynaa ay Bollywoodka sameeyeen tan iyo filimkii Sholay (Sholay waa filimkii ugu weynaa abid Bollywoodka sameeyeen mana jiro filim u dhawaan karo).

Filimka Hum Aapke Hain Koun waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan ayadoo ayna ku wehliso Super Starada Madhuri Dixit waxaanaa daawaday filimkaan 5tii agoosto 1994tii wuxuuna soo xareeyay 72.46 crore taasoo ka dhigtay All Time Blockbuster.

Lacagaha uu filimkaan soo xareeyay hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waa 711.29 crore waana lacago khiyaali ah misna loo dhawaan karin taasoona kaalinta 1aad soo galisay filimada guusha ugu weyn gaareen kuwaasoo xogtooda ku diiwaan gashantahay Box Office India.

Dhamaad.

FG. Xogtaan waa tan iyo 1994tii waa jiraan filimo qaarkood kuwaan ka waaweyn yihiin misna la daawaday 1994tii kahor balse anaga 25tii sano ugu dambeysay ayaan diirada saarnay waana xog Box Office India ku keydsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here