Waxaa maanta tiyaatarada si rasmo ah loo saaraya filimka sida weyn loo wada sugaayey ee WAR kaaso ah filim dagaal ah madadaalo dhameestirana leh si weyn ayaa India iyo daafaha caalamka looga wada sugaayey mashruucan.

Jilayaasha Filimka: Hrithik Roshan, Tiger Shroff, Vaani Kapoor waa hogaamiyaasha Filimka halka xidigo kale doorar muhiim ah ku leeyihiin waxaana Director ka ah Siddharth Anand halka Aditya Chopra oo leh shirkada Yash Raj Filims uu maalgaliye ka yahay filimkaan.

Qubarada ka hadlaan arimaha Bollywoodka iyo aflaamtooda waxay filimkaa ku qiimeyeen inuu yahay mashruuc madadaalo dhameestiran leh dadkana soo jiidan doono sida aawged 3 xidig ayee siiyeen (3/5) sheekada filimkaan.

Taasi oo ka dhigan in sheekadiisa wanaagsan tahay soo dhaweyna helay Website-yada ugi waaweyn India ayaana isku waafaqeen xidigauaas 3-da ah ee WAR la siiyay.

Arrinka xiisaha leh ayaa ah in daawadayaasha marnaba dhagta u raaricnin kuwa ka faalooda aflaamta qof walbana tikit-kiisa ayuu jartay waxuuna u amba baxay subaxaan inuu ka wardoono dagaalka dhexmari doono Hrithik iyo Tiger.

Dadka fagta hore daawadaan hadii ay ammaanan kuwa kuxigaan inee buux dhaafinayaan tiyaatarada shaki kuma jiro mashruucan fariintiisa oodhan waxa ugu muhimsan ay ka hadleyso ayaa ah Sargaal Kabir (Hrithik Roshan) sidii lagu soo qaban lahaa.

Maadama uu falal danbi ah kukacay saraakiol ciidanka India katirsana uu dila wuuna ka goostay guud ahaan dowlada hadaba dowlada Kabir ardaygiisa Khalid (Tiger Shroff) ayee udiree inuu nolol kusoo qabto HR dagaalka dhexmaraayo iyo hadii HR lasoo qabanaayo waa waxa ugu weyn loo daawan doono.

Goordhow naga filo sheekada filimkaan oo dhameestiran falanqeynteeda iyo xidigaha loo qoondeeyay mashruuca WAR hadii 3 dhibco rasmi ah noqon doonaan iyo hadii kale.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here