waxan filayaa inad aragtayn anagoo in badan warbixinadeena ku sheegnay in Arbaaz khan iyo Malika arora khan ay yihiin lamaanayaasha guul ka gaarayn nolosha laakiin gadaal waxa kasoo baxay arrin naxdin leh ka dib markii ay shaaciyeen inay kala tagayn

arbaaz khan waxa u dhashtay 4 august 1967 Isaga waa aktarka iyo director iyo filim soo saare ka tirsan shirkadda bollywoodka isagoo aktar kasoo noqday aflaamo ay ka mid yihiin daraar Hello Brother sham ganshaam Hull Chull iyo aflaamo kale oo badan isagoo Malika arora guursaday sanadkii 1997

iyagoo mudadaas ay wada noolaayeen uu kasoo dhex-baxay wiil lagu magacaabo arhaan arbaaz khan iyo malika arora ayaa waxa ay kala tagayn 11 may sanadka 2017 sidoo kale waxa ay malika arora Arbaaz khan ku dacweesay Policeka iyadoo ka doonaysay lacag dhan Rs 10 Crore ka dib marka uu furay

Haddabe Aan Eegno Sidee Ayuu Ku Bilowday Xariirkooda

sanadkii 1993 Arbaaz iyo Malika waxa ay ku kulmayn goob sawirada lagu qaado ka dib waxa ay waqti ku qaatayn maqaaxi meesha ku taalay iyagoo kulankooda kowaad ay jirtay iska helid labada dhinac ah ka dib waxaa bilowday xariir jaceyl oo u dhaxeeyay labadooda

waxaana arrinta ay gaartay in Arbaaz khan uu guur ka dalbado malika wayna ka aqbashay ka dib marka ay shan sano wada socdayn ayaa ugu damabayn waxa ay dhigtayn xaflad faraanti-gelis ka dibna sanadkii 1997 waxaa dhacay arooskooda

Laakiin Sidee Ayuu Ku Dhamaaday Xariirkooda  Kumaa U Sabab Lahaa Inuu Xariirkaas Bur-buro

iyadoo sababaha uu xariirka ka dhaxeeya Arbaaz khan iyo Malika arora lagu sheegay waxyaabo badan laakiin kaliya waxaa si qaas ah farta loogu fiiqay labo shaqsi oo kala ah Arjun kapoor iyo Salman khan

Arjun kapoor ayaa ah shaqsiga ugu horeeya ee lagu eedeynaayo furiinka Arbaaz khan iyo malika arora isagoo xariir la sameeyey malika xiliga uu qabay Arbaaz khan isagoo ku qasbay in malika ay furiin ka codsato Arbaaz khan iyadoo shaqsiga kale ee arrintan ka dambeeya lagu sheegay Salman khan

Salman khan weligiisa muusan jeclayn dhaqamada iyo dabeecadaha Malika arora sida labiskeeda iyo qaar ka mid ah asxaabteeda isagoo salman khan uu ahaa qofka ugu horeeya ee hogaaminayay inuu Arbaaz khan furo malika sababtoo Arbaaz khan waxa uu Malika bartay xiliga uu fanka ku cusbaa

sidoo kalena rajadiisa waxa ay ahayd inuu noqdo sida walaalkiisa Salman khan laakiin maysan dhicin iyadoo Salman uu u arko in malika ay curyaamisay horumarka walaalkiisa Arbaaz khan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here