Qisadii fadeexadii gilgishay masar xili Haweeneey masaari ah oo 4 nin u kulmisay gabar yar si ay u gufsadaan oo xabsiga loo taxaabay.

1
3695
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-09-05 09:24:51Z | | ÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿ(Éáÿ

Booliska Masar ayaa xabsiga u taxaabtay haweeney iyo 4 nin kuwaasoo lagu eedeeyay kufsi ay u geesteen gabar yar oo 18 jir ah.

Gabadhaan yar oo aheyd ardayad iskuul dhigato ayaa waxaa xanuunsanaa aabaheeda asigoona laga hayay dhanka wadnaha waxayna raadineysay qof caawiyo balse waxay ku dhacday af libaax kadib markii haweeney shirqool u maleegtay.

Islaantaan shirqoolka maleegtay oo aheyd kalkaaliso caafimaad ayaa gabadha u sheegtay iney u heyso daawooyin ka caawin doonaan in aabaheeda caafimaado waxayna ku balamisay gurigeeda.

Gabadhii yareyd oo warka naagtaan run u maleysay ayaa naagtii guriga ugu tagtay balse markii ay guriga gashay waxay ka war heshay nin doonayo inuu kufsado.

Inkastoo gabadha ay iska caabin muujisay hadana waa loo itaal sheegtay halkii ayaana lagu kufsaday, sidoo kalan waxaa laga duubay muuqaalo iyadoo la kufsanaayo misna qaawan waxaana loogu hanjabay hadii ay hadasho muuqaaladaas baraha bulshada lagu baahin doono.

Intaas loogama harine maalin kale ayay duqdii soo wacday misna gurigeeda ugu yeertay waxayna u sheegtay in muuqaalka gabdhaha ay isku iskuulka yihiin u diri doonto hadii aysan u imaanin sidii ayayna ugu tagtay balse markaan waxay guriga ugu tagtay 4 nin kuwaasoo gabadhii si foolxun u kufsadeen.

Naagta gabadha shirqooshay ayaa ujeedkeeda kaliya ahaa lacag maadaama ay nimanka lacag kaga qaadaneysay kufsigaas waxaana arinta gabadha yar ogaaday gabadha ina adeerkeeda kaasoona arinta booliska u gudbiyay waxaana gacanta lagu soo dhigay naagtii dambiilaha aheyd iyo 4tii ninba iyagoona loo gudbiyay maxkamada dambiyada maadaama kiiskoodu uu aad u weynyahay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here