Ayadoo magaalada Cumuuriyah joogto ayaa waxaa adoon ka dhigtay nin Roomaan ah waxayna aheyd gabar carbeed oo xor ah misna muslimad ah.

Markii uu sii watay ayay ku qeylisay waa muctasimaah (Muctasimooow).

Al-Muctasim billaah waqtigaas wuxuu ahaa amiirkii mu’miniinta.
Hadalkii gabadha waxaa maqlay nin safareey carbeed ah wuxuuna kasoo tagay Cumuuriyah oo ku taalo Turkey asigoona soo aaday Baqdaad oo ku taalo Ciraaq wuxuuna u yimid amiirkii mu’miniinta Al-muctasim Billaah asigoona u sheegay gabadhii la adoonsanaayay iyo sideey magaciisa ugu qeylisay.

Muctasim aad ayuu u carooday wuxuuna warqad u qoray suldaankii Roomaanka ee magaalada Cumuuriyah sidaan ayayna u qorneyd; Ka socoto Amiirkii mu’miniinti Al-Muctasim Billaah ku socoto Eeygii Roomaanka, waxaan ku farayaa inaad dag-dag uga baxdo magaalada Cumuuriyah hadaadan ka bixin inaan adigoo duleysan kaa saari doono”.

Suldaankii Roomaanka waa diiday inuu magaalka ka baxo wuxuuna Muctasim diyaariyay ciidan ka kooban 90,000 oo dagaalyahan asigoona weerar ku qaaday Cumuuriya.

Roomaanka sidii caadadood aheyd waxay gabaad ka dhigteen darbigii dheeraa ee magaalada hase yeeshee Al-Muctasim kama uusan yeelin oo duminta darbigaas wuxuu u adeegsaday Maroodiyaal iyo laan cigaleed (Manjaniiq) ilaa ugu dambeyn magaalada gacanta ku dhigaan.

Markii magaaladii la furtay ayuu Al-Muctasim Billaah amar ku bixiyay in la keeno gabadhii carbeed muslimada aheyd iyo gaalkii isku dayay inuu adoonsado waana la keenay.

Amiiral Mu’miniin halkii ayuu gabadhii ugu aarguday asoo waliba ninkii adoon uga dhigay.

Shalay markuu islaamka Cizzi lahaa gabar muslimad ah oo la faduuliyo iskaba daa in la kufsadee darteed ayaa magaalo dhan loo furanaayay xaakinkeedana maxkamad loo saarayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here