Qiso cajiib ah; Maxaa kala qabsaday saxaabigii Thaabit bin Qeys iyo Yahuudigii abaalka ku lahaa?

0
728

Duulaankii Yahuuda lagu qaaday ee Reer Banii Qureyda markii yahuuda oo dhan gacanta lagu soo dhigay ragii yahuuda ahaa ee la qabtay waxaa ku jiray ninka la yiraahdo Zabeer bin Baadhaa.

Zabeer wuxuu horay abaal ugu galay saxaabigii Thaabit bin Qeys oo dagaalkii Bucaath ee Ows iyo Qazraj dagaalameen ayuu naftiisa badbaadiyay sida taariikhda lagu sheegay.

Thaabit bin Qeys oo aanan iloobin in Zabeer abaal hore kuleeyahay ayaa Nabiga scw u tagay wuxuuna ka codsaday in Zabeer naftiisa loo hibeeyo.

Nabiga scw midaas wuu ka aqbalay wuxuuna naftii Zabeer u hibeeyay Thaabit bin Qeys.

Thaabit ayaa u yimid Zabeer oo meel fadhiyo wuxuuna ku yiri; ma i taqaanaa?. Zabeer ayaa ku jawaabay; qof anigoo kale miyaa iloobi karo qof adigoo kale?

Thaabit ayaa markaas yiri; waxaan u imid inaan abaalkii aad igu laheyd kuu gudo.

Zabeer ayaana ku jawaabay; kaliya qofka kariimka ah ayaa abaalka loo galay guda.

Thaabit ayaa yii; Rasuulka Allaah scw naftaada wuu ii hibeeyay ee xor ayaad tahay meeshaad rabto aad.

Zabeer ayaa yiri markaas; Oday waayeel ah wax qoys iyo ubadna heysan muxuu nolosha ku fali?

Thaabit ayaa Nabiga scw u tagay wuxuuna ka codsaday in qoyska Zabeer loo hibeeyo, markaas ayuu nabiga scw u hibeeyay.

Thaabit ayaa Zabeer u yimid wuxuuna ku yiri; qoyskaaga waa la ii hibeeyay waana xor ee wado.

Zabeer ayaa markaas yiri; Oday waayeel ah qoysna la socdaan balse wax xoolo heysan muxuu nolol ku fali?

Thaabit Nabiga ayuu usoo laabtay wuxuuna codsaday maalkiisa waana lasoo siiyay, wuxuu u yimid Zabeer asigoona ku yiri; maalkaagama waa kane qaado.

Sheeko markii halkaas mareyso ayuu Zabeer yiri; iiga waran ugaasyadii reer banii Qureyda?

Markaas ayuu Thaabit yiri; kurkaa laga wada gooyay.

Zabeer ayaa markaas dalbaday in asna kurka laga gooyo si ugaasyadaas iyo dadkii ay isjeclaayeen uga daba tago.

Zubeer markuu dalbaday in asna la dilo ayaa la dilay kadib Abuu Bakar Al-siddiiq oo sheekadaan maqlay ayaa yiri; asiga iyo axibadiisaba naarta ayay ku kulmi doonaan.

Kadib waxaa soo islaamay Zabeer wiilkiisa ayadoo Thaabitna uu ku wareejiyay hantidii iyo qoyskii aabihiis.

Dhamaad.

Qisadaan waxaan ka baraneynaa sida Thaabit bin Qeys uga go’neyd in abaalka lagu lahaa uu u gudo Zabeer Bin Baadhaa xitaa haduu ahaa Yahuud islaamka la dagaalamay misna dil ku xukunaa.

Zabeer yahuudkaas dilka ku xukunaa misna islaamka dagaalka kula jiray ayuu wado kastaa u maray siduu abaalkiisa ugu gudi lahaa bal kawaran qof aan wax dakano kugu sameynin abaal weyna kugu leh meeshii aad u baal gudi laheyd hadaad ku jees jeestid dhibaatada heysato??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here