Inaba caadi ma ahan Ayushmann Khurrana looma dhawaan karo madaama filimkiisa Bala maalintiisa labaad ama sabtigiisa kowaad uu keenay 15.50 Crore qiyaasta xili hore sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxaana macquul ah in ganacsigan ka badnaado ama ka hooseeyo marka xogta saxda ah lasoo bandhigo lacagaha uu maalintiisa labaad keenay.

Filimka Bala mudo labo maalmood ah 25 Crore ayuu soo xareeyay qiyaas ahaan asigoo maalintiisa labaad sameeyay 60% sare u kac wuxuuna ku socdaa sidii uu guul weyn ku gaari lahaa haddii uu Isniinta ganacsi ahaan is celiyo si sahlan ayuu HIT ku noqon doonaa waana arin kale oo muujineyso in Ayushmann Khurrana loo dhawaan karin guulihiisana xad dhaaf yihiin.

Bala wuxuu ku socdaa qabkii filimka Dream Girl ee Ayushmann sameeyay kaasi oo tiyaatarada la saaray 13-kii September Super HIT-na noqday wuxuuna filimkan sedexdiisa maalmood ugu horeesay keenay 43.20 Crore waana ganacsiga uu haatan Bala hiigsanaayo sedexdiisa maalmood ugu horeyso kadibna waxaa laga rabaa inuu si adag isku celiyo haddii uu sida Dream Girl oo kale cimri ahaantiisa 135 Crore gaarayo ama ku dhawaanayo.

Filimka Bala ganacsiga ugu adag wuxuu ka sameenayaa dhanka Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi/UP sidoo kalena shalay oo Sabti ahayd wuxuu sare u kac xoogan ka sameeyay Mumbai iyo hareeraheeda weliba 30% sare u kac ayuu sameeyay maantana waa Axad waxayna ka dhigan tahay sidoo kalena maanta sida guud dhamaan gobolada Hindiya sare u kac xoogan inuu ka sameyn doono filimkan sida adag u gadmaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here