Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan filimkooda Love Aaj Kal ayaa shalay siweyn kaga faa’iideestay maalinta jaceylka aduunka wuxuuna keenay 12 Crore qiyaas ahaan sida ay shabakada Boxoffice India soo daabacday, waxay ka dhigan tahay mashruucan fasaxa maalinta jaceylka magaalooyinka waa weyn ka jiray inuu ka faa’iideestay haddii fasax uusan jiri laheyn 8.50 Crore ayuu keeni lahaa maalintiisa kowaad.

Haatan waxaa laga rabaa filimka Love Aaj Kal in maanta oo Sabti ah hoos u dhac sameynin sidoo kalena beri oo Axad ah si adag u gadmo markaas waxaa u sahlanaan doonto sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsi heer sare ah inuu filimkan reer magaalka loogu tala galay sameeyo.

Dhinaca kale filimka Malang isagana shalay oo Jimco ahayd qiyaas ahaan wuxuu keenay 2.25 Crore waana ganacsi wanaagsan balse heer sare ma ahan waxaana caqabad ku noqday filimka Love Aaj Kal oo inta badan tiyaatarada waa weyn ee Multiplex-ka.

Si kastaba ay ahaato filimka Malang wuxuu heestaa fursad wacan uu ku guuleesan karo waxayna u badan tahay filimkan inuu AVERAGE noqon doono madaama ilaa iminka mudo 8-maalmood ah uu soo xareeyay 40.25 Crore qiyaas ahaan waxayna u badan tahay cimri ahaantiisa 55 Crore ilaa 60 Crore inuu soo xareen doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here