Waxaa maalinta jimcaha tiyaatarada India la saari doonaa filimka ugu weyn sanadkaan Bollywoodka leeyihiin ee Dabangg3 kaasoo uu hogaamiye kayahay Mega Star Salman Khan.

Filimkaan waa qeybtii sadaxaad taxanaha hirgalay ee Dabangg kaasoo uu Salman Khan ku mataalayo doorka Chulbul Pandey oo ah askari dhib badan tuugadana kanabad helin waxaana filimkaan maalgaliye ka ah Salman Khan walaalkiisa Arbaz Khan ayadoo uu Directed ka yahay Prabhu Deva.

Filimkaan waxaa Salman Khan ku wehliyo atariishada 2dii qeyb hore kasoo muuqatay ee Sonakshi Sinha iyo jilaaga reer koonfur ninka lagu magacaabo Sudeep.

Filimkaan ayaa waxaa la saari doonaa sida la filaayo qiyaastii 5400 oo tiyaatar dhamaan luuqadaha kala duwan ee lagu daawanaayo gudaha India ayadoo la filaayo in luuqada Hindiga kaliya lagu daawado qiyaastii 4500 ilaa 5000 oo tiyaatar.

Filimkaan ayaa kadib markii gudiga faafreebka daawadeen misna qiimeeyeen waxaa la siiyay shahaado U/A oo ah in wixii da’da 12 sano kaweyn daawan karaan.

Dabangg 3 ayaa wuxuu soconayaa waqti ahaan 155 daqiiqo waana 2 saac iyo 35 daqiiqo waxaana filimkaan tikidkiisa hormariska iibsi lagu bilaabay maanta oo arbaco ah inkastoo kooxda filimkaan leh ay aheyd in xili hore  tikidkiisa suuqa dhigaan si uu bilaabasho taariikhi ah u sameeyo hadana midaas ma dhacin balse wali filimkaan lagama hordhici karo waxaana macquul ah asigoon tikidkiisa xili hore iibsi lagu bilaabin in uu maalintiisa koowaad si weyn u gadmo.

Filimkaan ayaa la filayaa in aamlintiisa koowaad uu soo xareeyo lacago u dhaxeeyo 35 ilaa 40 crore waxaana lagu rajo weynyahay inuu jabin doono rikoorka Sanju oo ah filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay Bollywoodka kaasoo aanan maalin fasax la daawan markii laga reebo filimka Bahubali 2.

Marnaba meesha haka saarin awooda Salman Khan in macquul tahay xitaa in gabi ahaanba ka saro maro filimka Bahubali 2 qudhiisa isla markaasna uu noqdo filimkii lacagaha ugu badnaa baid soo xareeyo maalintiisa koowaad aan fasax aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here