Kareena Kapoor waa mid kamid ah atiriishooyinka ugu xaragada badan labiskeeda marwalba waa qaali oo qiimahiisa ma hooseyo dadyowga kale marka lagu jaangooyo.

Waxaa lasoo saaray qiimaha uu joogo labiska soo jiidashada leh ee ay xirantahay oo sawirka sare idiin kaga muuqdo waana labiskii ay la timid maalintii lasoo bandhigaayey goos gooska Filimka Good Newwz.

It's Expensive: Kareena Kapoor Khan's lemon yellow dress comes at a staggering price

Aad ayaa loogu ammaanah dhar ahaan sida soojiidasho u leeyahau Bebo labiskeeda hadaba qolyaha taxliiliyaan Fashion-ka iyo Style-ka jilayaasha Bollywoodka waxay soo ogaadeen qiimaha labiska Bebo ee idiin muuqda.

Waxuu suuqa ka joogaa $973 lacag dhan waana mid aad u badan dadka danyarta markii lacagtaan faraha laga saato dabcan waxay kusoo heli karaan boorsooyin Shopping ka buuxaan ama labisyo aad u fara badan.

Dhanka shaqada xidigtaan 27 bisha December waxaa tiyaatarada loo saara Filimkeeda Good Newwz ee ay la jilayaan Akshay Kumar, Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani waana mashruuc arimaha qoyska ka hadlaayo balse hab shactiro ah loo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here