Qiyaasta xili hore filimka Dabangg 3 maalintiisa labaad lacagaha laga filanaayo xaalka oo cakiran afkaa lawada heystaa yaab.

0
1204

Filimka Dabangg 3 ayaa sida lagu soo waramaayo afka lawada heysaa yaab dartiis asigoona maanta meeshii sare u kac laga filaayay hoos u socdo waxaana albaabada uwada xiranyihiin shineemooyinkii loogu talo galay in filinkaan laga daawado kadib bandow magaalooyinka qaar ay ugu horeeyaan Delhi/UP lagu soo rogay.

Gaar ahaan UP xaalad aad u daran ayaa ka taagan waxaana maanta kaliya meeshaas ku dhimatay 16 qof waxaadna halkaas ka dareemi kartaa xaalada meesha ka taagan iyo xili shineemo la aado ineysan jirin.

Filimkaan ayaa qiyaas ahaan maalinta sabtida laga filanayaa inuu keeno lacago lamid ah kuwii jimcaha yacni 22.5 crore qiyaas ayaan waxaana macquul ah inuu waxyar ku darsado ama waxyar hoos uga dhaco.

Dabangg 3 ayaa 2diisa maalin ugu horeyso keeni doono qiyaastii 45 crore waana lacago aad iyo aad u wanaagsan markii loo fiiriyo xaalada cakiran ee filimkaan bartanka ka galay waxaana la hubay hadii filimkaan uusan caqabadahaan la kulmi laheyn uu 2 maalmood ku keeni lahaa lacago u dhaxeeyo 55 ilaa 58 crore.

Dhibka kale ee jiro hadana wuxuu yahay filimkaan bari oo axad ah lagama filaayo sare kac weyn waayo waxkasta ayaa macquul ah inkastoo laga hordhici Karin hadana waxay u badantahayin ganacsigiisa uu maanta iyo shalay keenay waxyar ku darsan doono haduusan isbadal weyn dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here