Home » Box Office » Qiyaasta xili hore filimka Padman iyo maalintiisa 5-aad ganacsiga uu sameeyay

Qiyaasta xili hore filimka Padman iyo maalintiisa 5-aad ganacsiga uu sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Padman ayaa sare u kac macquul ah sameeyay ganacsigiisa maalinta shanaad asigoo ka faa’iideestay feestada MahaShivaratri ee gobolada Hindiya qaar looga dabaal dagayay.

Padman maanta subaxdii hore wuxuu ku furmay 20% asigoo xiligii duhurka gaaray 30% balse caawo fiidkii ayuu sare u kacay wuxuuna gaaray 35% ilaa 40%.

Tani waxay ka dhigan tahay Padman inuu 15% ilaa 20% sare u kac sameeyay maalintiisa shanaad marka lala bar bar dhigo maalintiisii afaraad (Isniin) ganacsigii uu sameeyay.

Qiyaasta xili hore waxay muujinee in filimka Padman maalintiisa shanaad (Talaado) keeni doono 6.50 Crore ilaa 7 Crore taasi oo ka dhigi doonto 46.50 Crore ilaa 47 Crore ganacsigiisa guud gaari doono qiyaas ahaan.

Padman sidoo kalen Arbacada waxaa la rajeynaa in ganacsigiisa wacnaado madaama maalinta jaceylka aduunka (14 Feb) dhalinyaro u badan u dabaal dagi doonaan oo tiyaatarada soo aadi doonaan.