Ganacsiga Box-office-ka ayaa dhulka sii galaayo maadama sabti la xiray oo albaabada loo laabay tiyaatarada Maharashtra, Delhi, Madhya Pradesh, Bihar, Jammu, Kernataka iyo Kerala meelo yaryar mooyee dhamaan goboladan tiyaatarada badankood waa oa xiray sabab la xiriirta Coronavirus.

Sidaa aawged Filimka Angrezi Medium maalintiisa labaad oo sabti ahed waxuu keenay 2.75 Crore qiyaas ahaan taasi oo kadhigan inuu hoos udhacay 25% balse ganacsigiisa rasmiga ah ee maalintii sabtida saacado kadib ayaa lasoo daawici doonaa.

Mudo labo maalmood ah 6.50 Crore ayuu keenay mashruucan qiyaas ahaan waana ganacsi aad u liito balse axad oo maanta ah ayuu hoos udhac kale sameyn doonaa maadama tiyaataro kale albaabada loo laabi doono sababto ah Coronavirus ayaa dadkii si xun ugu faafay walee cuddurkaan saameeyn weyn ayuu dunida ku yeeshtay.

Angrezi Medium ganacsigiisa ugu wacan waxuu ka sameynayaa Gurgaon iyo Noida laakiin waxba uma tareyso waayo magaalooyinkii waaweyna ee uu daqliga badan kasoo galaayey wax tiyaataro ah kama shaqeynayaan waqtigaan la joogo.

Dhanka kale Baaghi 3 ayaa asna 20% hoos udhac ah sameeyay sabtidiisa labaad waxuuna keenag qiyaas ahaan 1.75 Crore wadarta guudna ganacsigiisa qiyaastii waa 91 Crore oo uu mudo 9-maalmood ah ku keenay.

Waxuu ku wacan yahay UP balse axad wixii ka dambeeya halkaan tiyataarada waa laga xiri doonaa sido kale maanta oo axad ah Baagho 3 hoos udhac weyn ayuu la kulmi doonaa oo tiyaataro badan ma shaqeyn doonaan waana musiibo kusoo aaday Filimkaan xiisaha leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here