Filimka hirgalay Housefull 4 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 5.50 Crore ilaa 5.75 Crore wuxuuna noqday filimka sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo isniintiisa labaad sanadkan 2019 kaliya Kabir Singh iyo Uri – The Surgical Strike ayaa ka lacag badan. Balse aqbaarta wanaagsan ayaa ah Housefull 4 Isniintiisa labaad uu ka ganacsi badiyay War oo keenay 4.15 Crore iyo Mission Mangal oo keenay 3.70 Crore isniintooda labaad.

Tani waxay ka dhigan tahay Housefull 4 in 173 Crore uu kusoo xareeyay mudo 11-maalmood ah qiyaas ahaan sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waana hubanti ahaan inuu dhaafi doono Mission Mangal oo ah Akshay filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay waana hubanti ahaan in Housefull 4 ka talaabi doono darajada 200 Crore.

Filimka Housefull 4 todobaadkiisa labaad qiyaas ahaan wuxuu keeni doonaa 50 Crore haddii uu sidaan kusii socdo filimkan hirgalay waa hubanti ahaan darajada HIT inuu ka dalaci doono wuxuuna noqon doonaa Super HIT weyn madaama ganacsi aad u weyn filimkan shactirada badan sameenayo inkastoo markii hore mashruucan fariintiisa xumaan laga faafiyay.

Dhinaca kale filimka Housefull 4 ayaa suuqyada caalamka kasoo xareeyay $5.45m (38.57 Crore) waana ganacsi heer sare ah oo uu ku keenay mudo 10-maalmood ah waxaana lagu kalsoon yahay in $7m ilaa $8m ganacsigiisa gaari doono suuqyada caalamka ka hor inta uusan tiyaatarada isaga dagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here