Qiyaasta xili hore: Padman Axadiisa kowaad si wacan ayuu u gadmay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa ayaa maanta ganacs adag sameenayo wuxuuna ka faa’iideestay inay Axad oo shaqada laga nasanaayo.

Padman ayaa maanta sare u kac xoogan sameeyay waana hubaal in ganacsigiisii sabtiga uu ka sareyn doono 15% ilaa 20% waana talaabo wanaagsan oo uu filimkaan qaaday.

Padman ayaa maanta subaxdii hore ku furmay 45%-50% halka xiligii duhurka uu gaaray 65% halkiisa ugu sareesay caawo fiidkii xiliga Hindiya wuxuu filimkan gaaray 50% taasi oo ka dhigan in Axadiisa kowaad uu ka faa’iideestay filimkaan.

Qiyaasta xili hore waxay muujineysaa in Padman maalintiisa sedexaad ama axadiisa kowaad keeni doono 15.50 Crore ilaa 16 Crore lacag u dhaxeyso.

Waxaa muuqato qayaas ahaan Padman ganacsigiisa sedex maalmood inuu noqon doono 39.50 Crore ilaa 40 Crore waana ganacsi fiican.

Akshay Kumar filimkiisa waxaa laga rabaa maal maha shaqada inuu haatan si wacan isku celiyo gaar ahaan Isniinta waayo Talaado iyo Arbaco fasaxyo ayaa Hindiya ka jiraan oo filimkaan ganacsigiisa sii caawin doonto.

1 Comment

  1. sxb zaki filmkan meeqo lagu qarashgareyay
    mana laga yaaaba in uu noqdo mid guuulesto
    ama film guulestay

Comments are closed.