Maadama dalka India oodhan bandow kajiro dadkana guryahooda kujiraan bahda Tv-yada ayaa iskudayayaan inee dadka ku madadaaliyaan Filimadii hore, musalsaladii hore, iyo wareysiyadii hore dhanka fanka hindiya waxaana bilaawatay dib u milicso barnaamijyo ah maadama warae Update ah ama Filimo cusub jirin.

Kanaalka Star World ayaa ballan qaaday in 9:00 am subaxnimo ilaa 9:00 pm habeenkii fiidnimo uu soo deyn doono maalin walba dhamaan xalqadaha barnaamijka xiisaha badan ee Koffe With Karan si dadka ugu madadaalaan dibna ugu daawadaan xalqadahan.

Hadaba 5-qodob oo koo kooban ayaa kasoo qaadaneen misane ah 5 xalqo kala duwan oo xidigo kala duwan Karan Johar wareysi ka qaaday 5-maqaal ayaa ka kala dhigeena anagoo maqaal walba qodob ku xuseyno hadaba qodobka.

2-Ekta Kapoor iyo Tushar Kapoor xalqadii barnaamijka Koffe With Karan mudo badan ayaa la wad waday hadaladii ay meesha ka sheegen:

Mr.Karan Johar ayaa labo walaalo ah barnaamijkiisa ku casuumay Karan ayaana Ekta weydiiyay atiriishada ay Bollywoodka kasaari laheed hadiiba awoodaas la siiyo misane booskeeda ay gali laheed waxayna tiri Ekta ,”Bipasha Basu ayaan ka saari lahaa fanka booskedana dhaxli lahaa waxaana sameeyn lahaa wax walbo ay shaashada horteeda ku sameyn jirtay iyo labo jibaarkooda.”

Dhanka kale Karan ayaa weydiiyay Tushar hadii ay Bollywoodka kujirto atiriisho magaceeda uu dhibaayo markuu ku dhawaaqaayo waxuuna durba Tushar sheegay magaca “Preity Zinta” sido kale waxuu kudaray.

“Marwalba waa igu dhib inaan si dhaqsi ah ugu dhawaaqo magaceeda cabaar inaa isku too toosiyo waaye hadii kale anigoo khalday ayaa is arkaa waligey ayaana sidaa ahaa marka Preity Zinta magaceeda markaan ku dhawaaqayo waa idhibaa” hadalkaan ayaa mudo la wad waday hadal heyn weyna abuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here