Waxaan shalay idiin bilaawnay maqaal taxane noqon doono oo aan kaga hadleyno nolosha atiriishada Rani Mukerji xan iyo xaqiiq wixii laga qoray intii ay kujirtay shirkada Bollywoodka ama waayaheeda ugu horeyeen fanka hindiya.

2 qodob ayaa soo qaadanay maalintii shalay ahed maantana 2 ama 3 qodob inaan soo qaadano ayaan rajeyneynaa anagoo ku sharaxeyno dhacdooyinkii hore ee Queen of Bollywood Rani Mukerji.

Govinda Oo Gabar-nimadeeda Lumiyay:

Xiriirka labadan jilaa dhamaadkii 90-kii ilaa bilawgii qarnigaan ayuu banaanka yimid waliba intii ay duubayeen filimka Hadh Kar Di Aapne ayaa waxaa dhacday in joornaaliste qolka Rani booqday si uu ula kulmo balse waxuuba arkay Govinda oo jiifo sariirta labiska hurdadana xiran.

Waxaa la sheegay in Govinda yahay qofka Rani gabar nimadeeda lumiyay ama nolosheeda ninka ugu horeeyay soomara sheekadan mudo dheer ayee reer Bollywood wad-wadeen waliba Govinda qarash badan ayuu ku bixiyay Rani sida guri gaar ah inuu u iibiyay, luul qaali ah oo uu usoo gaday, gaari qaali ah iyo hadiyado kale.

Dagaalkii Iyada iyo Aishwarya Rai:

Markii hore saaxiib ayee ahaayen Rani iyo Aishwarya Rai balse dagaalkooda waxuu bilaawday markii Rani atiriisho ka noqotay Filimkii Chalte Chaltr kaaso Aish loogu talo galay markii hore.

Waxaana u sabab ah in Salman buuq ka kiciyay goobta Filimka lagu duubayey markaas kooxda Chalte Chalte waxay go’aan ku gaareen in Aish filimka laga saaro Rani-na lagu bedelo sidaas ayeena Rani ku ogolaatau Aish-na saaxiibteed ugu carootay.

Waxaa kaloo la sheega in Rani iyo Aishwarya isla shukaansan jireen Abhishek Bachchan wixii 2003 ka dambeyay kadib markee isku dagaaleen Chalte Chalte hadana xifaaltan Abhishek ayaa bilawday inkastoo Aish ku guuleysatay markaan oo Abhishek iyadaa hanatay.

Lasoco qeybta 3-aad xiriirkii Vivek, dagaalkii iyada iyo saxaafada iyo in ninkeeda foolxuma lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here