Samantha Akkineni & Sharwanand labada aan kala dhicin waxay ku midoobeen kasoo muuqashada filimka jaceylka ah sidoo kalena fariinta waaqiciga ah xambaarsan Jaanu waxaana laga wada helay qaabka goos gooska filimka Telugu ama Tollywood ah loo dhigay.

Filimka Jaanu waxaa la daawan doonaa 7 Feb 2020 ama Jimcada dambe waxaana laga soo bandhigay goos goos soconaayo 2-daqiiqo iyo 17-ilbiriqsi inta badana u gaar ah Samantha Akkineni & Sharwanand is fahanka ka dhaxeeyo iyo sida kaalintooda u qaateen.

Filimka Jaanu sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay mashruucii Tamil-ka ahaa 96 ee sanadii 2018 Blockbuster-ka weyn noqday sidoo kalena hogaamiyaal ka ahaayeen Vijay Sethupath waxaana isla Director ka ah C.Prem Kumar oo qaybtii asalka ahayd agaasimay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Jaanu iyo bandhiga Samantha Akkineni & Sharwanand shaashada ka sameeyeen qof walbana kusoo jiiteen ka hor inta aan filimkan tiyaatarada la saarin:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here