Qofkii ugu horeeyay ee wax iloobay.

0
1275

Waxaa la sheegay in markii Nabi aadam la abuuray la tusay dhamaan wajiyada ubadkiisa iyo duriyadiisa wuxuuna ka dhex arkay wiil wajigiisa aad u ifaayo.

Nabi aadam ayaa Allaah weydiiyay waa kuma wiilkaan wajigiisa ifaayo? Allaah ayaa ku yiri waa wiilkaaga Daa’uud. Markaas ayuu Nabi Aadam yiri; ilaahow da’diisa meeqo ayaad ka dhigtay? Wuxuu Allaah ugu jawaabay; 40 sano.

Nabi Aadam ayaa yiri; ilaahow 40 wey yartahaye 100 uga dhig oo cimrigeyga 60 sano kasii.

Nabi aadam cimrigiisa wuxuu ahaa 1000 sano markii uu gaaray 940 sano ayaa waxaa u yimid malakul mowtkii.

Nabi Aadam ayaa yiri; maxaad iga soo doontay?
Wuxuu ugu jawaabay inaan nafta kaa qaado (waagaas malaga dadka caadi ayuu ugu tagi jiray sida la sheegay).

Nabi Aadam ayaa yiri; aniga da’deyda waxaa iiga dhiman 60 sano. Waxaa loogu jawaabay soo wiilkaaga daa’uud ma aadan siinin?

Nabi Aadam ayaa ku dooday inuusan qofna da’diisa siinin. Markaas ayaa Allaah da’diisa u dhameystiray Nabi Daa’uudna 100kii sano u buuxiyay.

Nabiga scw oo arinkaan ka hadlaayay ayaa yiri; “Aadam wuu iloobay duriyadiisana wey ilowday”

Sidaas darteed Nabi Aadam CS waa qofkii ugu horeeyay ee wax ilooba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here