Qofna Ma Doonaayo Inuu Isiiyo Shaqo Sababtoo Ah Waxan Walaalo Nahay Aktarka Salman Khan ( Waa Kuma Aktarka Hadalkaas Yiri)

0
1088

Arbaaz Khan waa mid ka mid ah aktarada ugu soo caan baxday xiligii 90s laakiin fanka ku qaatay muddo kooban aktarka waxa uu kasoo muuqday aflaamo badan kuwaaso qaarkood uu hogaamiye ka yahay isaga.

Aktarkan ayaa dhawaan wareysi uu bixinaayo waxa uu shaaca kaga qaaday samaynta uu noloshiisa aktarnimo uu ku leeyahay walaalkiisa Salman Khan maadaama xiligan isaga uusan awood ku lahayn filim jilista.

Arbaaz Khan oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” aniga waxaa doorar muhiim ah ku yeeladay aflaamo gaaraya 70 filim waxaa jirta aktaro aan awood u lahayn inay helaan samaynta labo filim isku xigta laakiin aniga waxaan filim jilista ku dhex jiraa in ka badan 20 sano qofna kama doonaayo inuu igu caawiyo fanka sababtoo ah waxaan ahay Salman Khan walaalkiisa midaaso mar walba igu dhiiro-gelisa inan fanka kasii mid ahaado”

Dhanka shaqada Arbaaz Khan waxa uu hadda si weyn ugu mashquulsan yahay duubsita filimkiisa uu soo saaraha ka yahay ee Dabbang qaybtiisa sadexaad waxaana hogaamiye ka ah walaalkiisa Salman Khan waxanaa la daawan doona dhamaadka sanadkan 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here