Sushant Singh Rajput waxuu nafta isdhaafiyay taariikhda markee ku beegned 14-June 2020 geeridiisana ilaa hada Bollywoodka wey la yaaban yihiin waxaana xusid mudan in Hindiya oodhan uu saameeyay seddexdii maalmood udambeysay wararkii hindiga oodhan isaga lee looga hadlaa warbixinooyinkii kale hakad ayee galeen maadama tacsi utaalo reer hindiya.

Hadaba waxaan hader soo ogaanay qaabkee wax udhaceen habeenkii uu Sushant Singh is dilaayey qolka dhexdiisana maxaa ka dhacay hoos kaga bogo:

Marka hore waxaa la xaqiijiyay 6-bil udambeysay inuu la silcaayey wax la dhaho Depression ama niyad jab iyo dhimirka maskixiyan ah waxaana ugu darsantay guri kujir ayuu noqday mudadii Corona dunida ka jiray inkastoo taasi waajib ahed oo dadka banaanka loo diidana gabi ahaanba taasina waxay keentay cabur inuu dareemo iyo kali noolaansho Depression-kii hayey ayaana kusiyaaday talaabadan halista ah ayuuna qaaday.

Sushant dhismaha uu xaafada Bandra ka degenaa ee magaalada Mumbai waxaa isla dhismahaas dhinac ka daganaayeen labo saaxiibadiis ah oo uu waqtiga la qaadan jirag mararka qaar markuu geeriyoodayna 14-june xaadir ayee ahaayen iyagu oo dadkii fagta hore qolkiisa imaaden ayee kamid ahaayen.

Sushant inta uusan is-dilin kahor 4-jeer ayuu taleefaanka dad ka wacay sida la sheegay marka kowaad waxuu wacay saaxiibtiis Rhea Chakraborty misane ah atiriisho Bollywoodka katirsan saacada marke ahed 1:47 am habeenimo saqdhexe ah balse Rhea kama aysan qabanin tell-ka xiligaas oo wey hurdeysay daqiiqado kadib isla habeenkii waxuu wacay saaxiibkiis Mahesh Shetty nasiib xumo isagana kama uusan qabanin.

Subaxii markii la gaaray Sushant waxuu markale wacay saaxiibkiis Mahesh saacada marke ahed 9:30 am barqanimo balse hawada ayaa diiday oo wuu ugali waayey mudo yar kadib Mahesh ayaa arkay in Sushant soo wacay xalay saqdhexe markaas ayuu wac isdhahay si bal uu xaalkiisa u ogaado maadama lasoi wacay isaga balse nasiib xumo xiligaas Sushant maba noolo waa mar uu is dilay.

Sushant inta uusan is dilin kahor waxuu cabay hal koob oo cabitaanka Juice-ka ah waxayna ahed xiliga quraacda kahor waana subaxnimo saacada marke ahed 10:30 barqinkii waxaa Sushant albaabka kusoo garaacah shaqaalihiisa cunta-karinta u qaabilsan si uu uweydiyo raashinka nooca uu doonaayey maalinkas si uu ugu kariyo balse Sushant albaabka ma furin maba noolo xiligaas kadibna qof dhismaha dhinac ka dagan ayuu caawin weydiistay ninkii shaqaalaha ahaa oo Sushant albaabkii waa iga furi la’yahay ayuu dhahay.

Kadib ninkii ayaa taleefanka kawacah Sushant maba qabanaayo tellka dhawaqa tellkana banaanka wey ka maqlaayeen labada nin ee meesha taagan midkoodna uu yahay shaqaalaha Sushant cuntada u kariyo markaas ayuu shaki galay waxayna deg deg u wargaliyeen Sushant walaashiis Ritu iyadana waxay deg deg u wargalisay ninkeeda oo askari ah balse Mumbai aanan joogin oo kusugnaa Haryana magaalo ladhaho isagiina waxuu sii wacay taliyaha xaafada Bandra Param Bir Singh.

Dhamaan dadkaas ayagoo ordayaan ayee imaadeen guriga misane albaabka jabiyeen saacada marke ahed 12:25 pm duhurnimo waxayna u tageen Sushant oo ka laad-laado xarig kaaso kuxiran marwaaxada kore ee qolkiisa waana meeyd durba waxaa imaadeen dhaqaatiir hadii la fiiriyayba saacado kahor ayee nafta ka baxday.

Sushant sidaas ayuu ku geeriyooday balse lama oga murugada heysay iyo waxa ku kalifay inuu is dilo dabcan dadkii uu wacay mid kamid ah haduu tellka ka qaban lahaa wax uun wuu usheegi lahaa nasiib xumo ma dhicin midaas oo wey is heli waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here