Dance yaqaanka caanka ah Ganesh Acharya ayaa markale fadeexo dhexda ka galay kadib dacwad horleh oo ay kasoo gudbisay haweeyney cusub misane ku eedeysay sanado badan kahor inuu kula kacay fal anshax-xumo ah taaso xitaa uu kukufsan lahaa.

Ganesh waxaa horey udacweysay gabar gacanyare u ahed oo uu ku qasbay daawashada aflaam anshax-xumo ah ila daawo aflaamtan hadii kale shaqada waan kaa eryayaa ayuu dhahay waxaana gabadhaas ka horeysay Tanushree Dutta iyo gabdho kale oo isla sidaa u dacweyeen.

Hadaba haweyneydan dacwadeeda ma ahan mid maanta iyo shalay ah waxa kudhaceen ee 30 sano kahor dhacdo kudhacday ayee ka sheekeysay qiyaastii 1990 ilaa 1991 intii udhaxeysay ayee ahed hadaba aan u deyno haweeyneydan ha inooga sheekeyso sidee wax udhaceen.

“Qiyaas ahaan 30 sano kahor ayee ahed balse hada haweyney caruur leh ayaa ahay waxaana ogaaday in Ganesh wali isbedelin oo sidiisa hore yahay markii dacwada dhowaan laga gudbiyay ayaan gareystay inaan anigana hadlo dadkana la wadaago dhibka igu dhacay 30 sano kahor ninkaan dumarka meel laga saaro waxay ahed 1990 dhamaadkeedii waxaan ahaay gabar ka ciyaarta atiriishooyinka gadaashooda (Background Dancer).”

Ganesh Acharya slapped with another sexual assault complaint; woman says, 'On the pretext of teaching me Jive, he kissed my neck and cheeks'

“Acharya xiligaas waxuu gacanyare u ahaa macalin Kamal anigana 18 jir ayaa ahaa xiligaas maalin maalmaha kamid ah Acharya ayaa igu dhahay waxaan beri idin barayaa Dance cusub fasalka 11:00am barqinimo imaaw dhaqsi ardayda kalena anaa usheegayo ayuu igu dhahay aniga maalintii xigtay dhaqsi ayaa imaaday markii aan imid nin isaga la shaqeynaayey ee Dilip la dhaho ayaa isoo waday Hotel-ka qeybta Dance-ga ma ahee qeybta jiifka ayuu igeeyay.”

“Waxaana qolka joogay kaliya Ganesh Acharya markii uu Dilip baxay ayaa shaki igalay waxuuna iisheegay in Dilip system-ka music-da lagu ciyaaro sida sameecadaha iyo ardayda kale doonay kadib waxuu idhahay kaalay tijaabo ayaa sii sameyneynaa Dance ah.”

“Waxuu bilaaway inuu iga dhunkado qoorteyda iyo daamankeyga (dhabnaha) markaan iska diiday ayuu sariirta igu kala tuuray waxuuna idhahay aniga waan ka helay waana kujeclahay guur ayaana kaa rabaa khalad ha iifahmin balse aniga “maya” ayaan ku celceliyay isagana gacmihiisa ma uusan joojin jirkeyga meeshu ka taaban karo ayuu ka taabtay.”

“Markaan arkay inaan ka baxsan karin tallo na igu cadahay ayaan dhahay “waa kubaryaa caado ayaa iijoogto ifasax” anigoo ooynaya ayaa sidaa dhahay markaas ayuu idaayey isagoo leh damacii iyo baahidii aan ku qabah halmar baad jabisay ee orod iska bax.”

“Maalintaas ayaa iigu dambeysay wajigiisa iyo inaan hor imaado meel uu ka shaqeyo waligey shaqo kama raadsan waxaan u maleynaayey 30-sano kadib inuu isbedelay oo xiligaa dhalinyarnimo heysay balse hada isagoo oday ah ayuu gabdhihii yaryaraa usoo dhigtay waana sababta iga hadal siisay ninkaana waa in dumarka laga qabtaa.”

Ganesh Acharya eedeymahan wuu iska inkiray waxuu yiri,”aniga horey ayaan idiin kugu sheegay sida gabadhii horeba tana waa mid laso adeegsaday dad ayaa sheekadan ka dambeyaan oo doonayaan inee iga wareejiyaan kursiga iyo maqaamka Dance-ga aan ka joogo laakiin aniga kama yeelayo waan la dagaalama inte naf igu jirto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here