Waxaan soo ogaanay in xalay ay wareysi Live ah bixisay gabadha taxanaha Hercai qarash-gareyneyso ee lagu magacaabo Banu Akdeniz waxayna ka jawaabtay qaar kamid ah suaalo xiiso badan oo ku saabsan Hercai Season 3.

Sidaan wada ognahay taxanaha Hercai waxuu ku istaagay xalqadii 38-aad ayadoo Season 2 lagu guda jirag sabab la xiriirta caabuqa Covid 19 hadaba kooxda ayaa go’aansadeen in Season 3 la iska aado oi halkaas Season 2 ayaa ku dhamaaday.

Fadlan hoos kaga bogo suaalihii Banu ka weydiiyay iyo sidee oga jawaabtay waxaana fileynaa inaad macluumaad badan ka heli doonto:

No description available.

1-Reyyan hees jaceyl miyee u qaadi doontaa ama ugu luuqeyn doontaa Miiraan marka Season 3 la gaaro.?

Jawaabta: Haa, hees macaan ayee ugu luuqeyn doontaa.

2-Xaflad dhalashi ma dhaceyso miyaa iyo dabaal dag maadama xiiso noocaas ah Season 2 aan ku arki weynay.?

J awaabta: Haa wey dhacee waliba Reyyan ayaa u dabaal dagi doonto xaflada dhalasho ee Miiraan iyo waliba muuqaalo xiiso leh.

3-Hada kahor waxaan ku weydiinay in Reyyan iyo Miiran xiriir gogol dhexmari doono oo Reyyan uur qaadi doonto mana aadan ka jawaabin hadaba Season 3 malagayaaba sidaas inee dhacdo.?

No description available.

Jawaabta: Haa waa jiraan muuqaalo noocaas ah waxaadna arki doontaa Reyyan muuqaaladeeda oo isbedel lagu sameeyay maadama ay uur qaadi doonto taasi ayaana uwacan in Reyyan isbedel weyn muuqaal ahaan lagu sameeyn doono.

4-Elif wey geeriyootay doorka Azat maxaa u dambeyn doono malaga yaaba inuu gabar kale jeclaan doono marka Season 3 la gaaro.?

Jawaabta: Haa waa xaqiiiq Azat gabar ayuu jeclaan doonaa balse in gabar cusub tahay iyo in gabar horey taxanaha ugu jirtay tahayba waxaad ogaan doontiin Season 3 marka la gaaro.

5-Waxaab xan ahaan u maqalnay in taxanaha dad cusub soo galayaan doorar cusubna la arki doono maxaa ka jira arinkaas.?

Jawaabta: Waa run doorar cusub misane xiiso leh ayaa jiri doonaan aad ka heli doontaan.

6-Goormee duubis lagu bilawaa Hercai Season 3 (Qeybta seddexaad).?

Jawaabta: waxaan jecelnahay sida ugu dhaqsiyaha badan goordhow inaan duubis ku bilaawno balse waqti hebel ama waqti cayiman idiinma sheegi karno taasi bedelkood goordhow ayaad ogaan doontaan.

No description available.

7-Maxay tahay sababta ka dambeysa aargoosiga Caziiza Aslanbey mase lagu ogaan doonaa sababtaas Season 3.”

Jawaabta:Hader kama jawaabi karo suaashaas laakiin Season 3 waad ku arki doontaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa aargoosiga Caziiza.

Banu waxay kaloo sheegtay seddex arin xiiso leh mida kowaad in Reyyan iyo Miiran guri iyaga ay gaar u leeyihiin uusan jiri doonin oo duurka iyo guri dadow ayee ku noolaan doonaan.Sido kale waxay sheegtay in Reyyan labiskeeda wax badan laga bedelaayo oo waxay xiran doontaa labiska dhaqan ahaan ay xirtaan gabdhaha reer Mardin.

Ugu dambeyn Banu waxay sheegtay inee ka qoomameyneyso ama ka shalaayneyso muuqaaladii ay Istanbul kusoo duubeyn markii Miiran iyo Reyyan maalinta jaceylka u dabaal dagayeen waana muuqaladii Harun warqada jeebka Miiran u galinaayey sido kalena gabar Miiran jeclaan jirtay nala tusaayey.

No description available.

Labo arin ayaan qiyaasnay anaga ahaan mida kowaad Azat gabadhs uu jeclaan doono inee tahay Gonul Aslanbey mida labaad ee ay Banu ka qoomameysayna waxaan u fahamnay ine tahay doorkii gabadhii Dennis ee Miiran waan jeclaan jiray dhahday inee arinkaa ka qoomameyneyso maadama daawadayaal badan dhaliileen sheekadaas in taxanaha lagu soo daro.

Hadaba adiga maxay kula tahay Azat yuu jeclaan doonaa taas aan wada falanqeyno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here