Waxaa lasoo bandhigay goos gooska xalqada 41-aad ee jimcaha soo socda la daawan doono taxanaha Hercai inaba caadi ma ahan goos gooska maadama sirtii weyneed banaanka imaan doonto.

Goos Gooska waxaan ku arki doonaa ama uu ka bilaawanayaa Caziiza oo guriga reer Shadalogu tagtay iyadoo Nasuh heshiis ubandhigeyso waxayna ku dhihi doontaa maslaxada caruurteena aawged waa inaan heshiinaa dagaal iyo buuqna joojinaa.

Hadaba Aslan ayaa la kulmi doono Nasuh waxuuna kudhahaa sidee u aqbaleysaa heshiiska Caziiza iyo reer Aslanbey iyagoo iskudayeen inee dilaan wiilkaa awoowga u ahed ee Azat markaas Nasuh ayaa diidi doono heshiiska Caziiza xili bartamaha magaalada Midyat la joogo.

Furaat ayaa meesha imaan doono waxuuna ka xeysanaa Reyan xili uu la ordaayo balse labada qoys ayaa daba ceyrsan doonaan ugu dambeyn Furat waxuu mideyn doonaa Miran iyo Reyan isagoo dhihi doono meeshaan isaga taga fursadaan mid ka fiican maleh isla baxsada kana fogaada labada reer.

Suldana ayaa heli doonto warqadii boobalaha kujirtay ee sheegeysay in Miran aabihiis yahay Hazar waxayna u keene wiilkeeda Aslan hadaba Aslan ayaa ka fikiraayo hadii uu warqada Miran siin lahaa iyo hadii kale.

Sikastee ahaataba waxuu go’aansanaa inuu siiyo waxuuna tagaa guriga ay ku dhuumaaleysanaayeen Miran iyo Reyan xili ay is shuminayaan warqadana meesha ayuu oga dhiibi doonaa ama udhigi doonaa halkaas ayuuna ku dhamaana goos gooska kowaad ee xalqada 41aad suaasha waxay tahay Miran warqada ma heli doonaa mise waa laga dhexgalaa oo qofkala qaadayo maadama meesha loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here