QORAAL; Azaad oo Iilli guursaday Miran oo jawaabtuu horay u bixiyay la siiyay Furaat oo la wareegay hantidii reer Aslan Bey iyo dhacdooyinka xalqada 27aad ee taxanaha Hercai.

0
2773

-Xalqada ayaa ka bilaabatay halkii ay xalqadii hore ku dhamaatay markii Miran uu Ayaydiisa guriga keeno ayadoo Caziiza iyo dadkii kalaba yaabanyihiin.

-Miran ayaa mid mid u xisaabinaayo dadka guriga joogay gaar ahaan Asmaa iyo ayadiisa asigoo ku eedeynaayo in ayaydiisa ka qariyeen.

-Miran markii uu Caziiza weydiiyo sababta uu uga qariyay waxay ku jawaabee si aadan u murugoonin ayaan u sameeyay waxayna Caziiza ka been sheegee Miran ayaydiis ayadoona sheegeyso in lacag darteed ay asiga iyo hooyadiisba uga sabartay.

-Caziiza ayaa maxamuud ku amreyso in Miran ayaydiisa meesha kawado balse Miran ayaa diidaayo asigoona garab ka helaayo Jonul iyo Iiliif maadaama guriga Caziiza kaligeed laheyn waxay wada taageerayaan go’aanka Miran.

-Caziiza si uu Miran u rumeysto waxay iska keenee oohinta yaxaaska ayadoona Miran meesha uu ka jilcanyahay ee ah dilistii hooyadiis iyo aabihiis ka taabaneyso waxayna u sheegee in xaqiiq haduu rabo inuu ogaado ay xaqiiqda tahay in asiga yahay wiil hooyadiis iyo aabihiisa la dilay ayadana dadkii dilay uga aargudooso.

-Caziiza markii ay Miran iska basareyso oo qolkeeda ku kaliyowdo ayaa jiniyadii kusoo dagayaan ayadoo waliba wacad ku mareyso in dhamaantooda ka aargudan doonto gaar ahaan Miran maadaama uu yahay cadowgeeda wiilkiisa.

-Jihan wali mas’aladii kama uusan harin wuxuuna daba taaganyahay Azaad asigoona wado kasta u maraayo siduu uu wiilkiisa ugu qancin lahaa guurka Iiliif.

-Caziiza waxay wacad ku mare in Miran uusan marnaba xaqiiqda ogaan doonin wado kasta u mari doonto sidii ay uga qarin laheyd.

-Miran ayaydiisa waa kadib markii laga been abuurtay ayadoon la ogeyn ayay qasriga isaga tageysaa balse Miran ayaa dib usoo celinaayo

-Yaariin qasriga ayay kasoo dhuumanee waxayna imaanee Hotelka uu Haaruun daganyahay ayadoona u sheegeyso in aysan suurto gal aheyn guurkooda oo uu iska ilaabo balse Yaariin sheeko waxay ku cadaanee markey ogaato in Haaruun uusan miskiin u aheyn sidey u maleyso indhahana u shidan doono.

-Furaat ayaa arkaayo Haaruun oo gacanta ku dhagan Yaariin una hanjabaayo wuuna soo kala dhex gala balse wuxuu ogaanaa in Yaariin ninkaan u doonan tahay asigoona niyad jab ka qaadaayo.

-Suldaanah waxay la kulmee Miran ayaydiis Shakraan ayadoona ka codsaneyso in magaalka isaga tagto si aysan Caziiza u dilin balse Shakraan waxay u sheegee Suldanah in ay u timid sidii Miran xaqiiqda uga dhaadhicin laheyd ayadoona waliba Suldanah ka codsaneyso in garab siiso.

-Iiliif waxay wali ku adkeysanaysaa iney bixi doonto oo meesha sii joogisteeda ayaaba dhibtay.

-Xafladii Nikaaxa ee Yaariin iyo Haaruun wey dhacday ayagoona faraantiga isku galiyay balse arinta jirto waxay tahay Haaruun sidii loo maleynaayay ma ahan asigoona laf dhuungashay ku noqday Yaariin.

-Yacni Yaariin oo iyadaba waalneyd mid kaloo waalan ayaa loo helay wixii kala qabsadana waa arekynaa.

-Muuqaalada Miran iyo Reyyan ee Romantiga waa mid aad ugu badan xalqada ayadoona si fiican u heshiiyay isla markaasna siweyn isugu soo dhawaanayo xili Reyyan ay wado kasta u mareyso garab siinta Miran.

-Caziiza waxay Reyyan u sheegeysaa in aysan Miran marnaba garab siin Karin hadii ay garab siintiisa isku daydana ay iyada uun dhibaato la kulmi doonto waxayna u duur xuleysaa in ay u sheegi doonto in Hazar uusan aabaheeda aheyn waana arin aysan Reyyan fahamsaneen.

-Caziiza waxay xili habeen usoo guureynee Miran ayaydiisa ayadoona ugu hanjabeyso in Qasriga isaga tagto oo ay tuuladeeda ku laabato balse Miran ayaydiisa ayaa midaas diideyso waxayna Caziiza farta ka saaree fariin loogu soo dhiibay taasoo ka timid cadowgii qarsoonaa ee Caziiza xili Caziiza ayadoo naxsan qolka isaga baxeyso.

-Caziiza waxay go’aansanee in Furaat ay hantida magaciisa kusoo wareejiso oo magaceeda lagu wareejiyo balse layaabka wuxuu noqonaa markuu Furaat diido in wax lacag wareejiyo asigoo waliba dadka hortooda uga sheegaayo Caziiza in wax lacag uusan haatan magaceeda ku wareejin doonin arintaasoo Caziiza aad uga xanaajin doonto bahal dharbaxaana kusii deyndoonto Furaat balse Furaat midaas uma aaba yeelaayo.

-Miran Gonul iyo Iiliif maadaama dhaxalkooda yahay waxay taageersanyihiin Furaat.

-Caziiza markii ay aragto in dadkii oo dhamaa kasoo horjeedaan ayay qolkeeda ku laabanee ayadoo aad u careysan waxayna waceysaa qareenkooda ayadoona u sheegeyso in dagdag ugu soo raadiyo waraaqo ay Furaat kala soo wareegi karto hantida reer Aslan bey.

-Asmaa waxay u tagee Caziiza waxayna u sheegee in wiillkeeda marba haduu arinka taaganyahay ay wiilkeeda garabn siineyso wixii ka dhacaayana haka dhacaan balse markii Asmaa qolka kasoo baxdo ayay suuxee lamina oga waxa ay Caziiza Asmaa u sheegtay oo kalifay iney suuxdo.

-Flash back ayaa waxaa lagugu tusaa in Caziiza u hanjabtay Asmaa hadii afkeeda ay furto ayadoona xitaa u sheegtay in Miran iyo Reyyan qofka gurigooda ku weeraray misna rasaasta ooda uga qaaday ay tahay iyada isla markaasna aysan u jixin jixi doonin iyada iyo wiilkeeda Furaat.

-Iiliif dadka oo dhan ayay macsalaameynee ayadoona safarkeeda u amba baxeyso.

-Reer Sad oglu oo qasrigooda iska joogaan ayaa waxaa u imaanayo Caziiza oo ay la socodaan Furaat iyo Miran ayagoo waliba aad u careysan isla markaasna Iiliif raadinayo waxayna Caziiza Nasuh u sheegee in gabadheeda loosoo bixiyo hadii kale uu qasrigooda bali dhiig ah isku badali doono.

-Ayadoo la isku dhaganyahay yaa waxaa qasriga soo galaayo Azaad iyo Iiliif oo gacanta is heystaan markaas Miran ayaa xanaaqayo asigoo Azaad kuleetiga ku dhagaayo kuna dhahaayo yaa awood kuu siiyay inaad gacanteeda ku dhagtid balse Azaad ayaa ugu jawaabayo waayo waxaan ahay ninkeeda….

-Khalaas Azaad wuxuu Miran siiyay jabaatii uu hada kahor asiga siiyay markuu ina adeertiis Reyyan guursaday ee aheyd ninkeeda ayaan ahay haatana Azaad wuxuu guursaday ina adeerta Miran jawaabtana waxay noqotay mid “Ninkeeda ayaan ahay”.

-Xalqada ayaa halkaas ku dhamaan doonto ayadoo labada qoys indhaha u wada taaganyihiin yaab darteed gaar ahaan Caziiza maadaama wixii ay ka cabsaneysay ay dhaceen..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here