Kulanti wacan asaxaabta qiimaha leh meel walbo joogtaan waxaan idiin heynaa aqbaar ku saabsan taxanaha Hercai qeybihiisa dhamaadka iyo sir badan oo taxanahan laga helay.

Waxaa lasoo bandhigayba waana muuqaal ka turjumaayo dhamaadka taxanaha Hercai sida warar aan ku heleyno hadaba muuqaalka maxaa lagu arkay oo xiiso leh sharaxaad ahaan waa sida tan:

Muuqaalkan ayaana ahaa mid xili hore lasoo bandhigay balse hader ayaan soo ogaanay in dhamaadka taxanaha Hercai uu ka turjumaayo ama qaabka uu ku dhamaan doono ayaa sidaas ah sida aan soo ogaanaY balse muuqaal ahaan xili hore ayaa lasoo bandhigay.

Qoysaska kala ah Sodolugu iyo Aslanbey oo wada dhan waxay joogaan meel duur u muuqdo oo ay dalxiis ahan u joogaan hal goob ayee jawi farxad kuwada qaadanayaan waxaa arkeysaa Caziiza iyo oday Nasuh oo heshiinayaan ama sheekeysanaayn ayagoo wada qoslayaan waxaa kaloo lagu tusaa Miiraan iyo Azaad oo kubad wada cayaarayaan.

Xitaa iyaga kaliya ma ahan waxaa la cayaari doonaa Furaat, Jihaan iyo xitaa Hazar ayagoo isku faraxsan waxaa lagu tusaa Gul oo ubax ama fiyoore siineyso Caziiza kadibna Caziiza oo qosleysa ayaa ka qaadaneyso.

Miiraan ayaa si lama filaan ah u dhunkanaayo Reyyan oo miiska cunada fadhida xili ay labiska arooska xirantahay reerka dhana goobta wada joogaan kadib waxaa lagu tusaa Reyyan oo meel duur ah joogto cunug yarna wadato waxaana gadaasheed kasoo baxaayo Miiraan dabcan Reyyan wey dhali doontaa.

Miiraan, Reyyan iyo cunugooda oo duurka jawi macaan ku qaadanayaan ayaa arkee kadib waxaa lagu tusaa labada qoys oo hal miis kuwada cunteynayaan hal qofna uusan maqneen xili Asmaa ay u heyseyso ayagana wada qoslayaan oo wada cunteynayaan dhanka kale Yaariin wey faraxsantahay iyada iyo Furaat oo is agfadhiyaan ayaa lagu tusaa dabcan wey is heli doonaan dhamaadka Hercai labadooda.

Ugu dambeyn Hazar iyo wiilkiisa wey isheli doonaan waxaana muuqaalka laguugu tusaa ayagoo dareen jaceyl oo wiil iyo aabiihiis oo kale isku fiirinayaan weyna wada faraxsan yihiin dhamaad halkaas ayuu muuqaalka ku dhamaanaa ayadoo labada qoys halmeel kuwada cunteynayaan farxad iyo jawi macaana kuwada jiraan.

Dabcan muuqaalkan waxuu soo koobay wax walbo oo loo baahna jilyaasha dhan ayaa kasoo muuqdeen sido kale wuxuu ka turjumaa dhamaadka taxanaha labada qoys oo heshiyeen qof walbana muraadkiisa inuu helay ayaa muuqata hadaba taxanahan inuu sidaa ku dhamaanaayo ayaa la sheegay micnaha habka aan hader sharaxnay wiixiise iska bedelaa waan idiin la wadaagi doonnaa..

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here