Waxaan taxliil ku sameynena xalqada 28-aad ee lawada sugaayo in la daawado sabtida soo socota waana xalqad xiisaheda wasan doonto sida xalqada 27-aad laga sii fahmi karo. Hadaba saadaasha iyo hordhaca xalqada 28-aad oo aan taxliil ku sameynay sida tan ayee noqon kartaa waana sida ugu macquulsan:

1-Yaariin labo midkood ayaa ufuran inee quusato misane guursato ninka wajigiisa aan la fahmi karin ee soo doontay kaaso faraantiga u galiyay waana mida ay ubadantahay suurto galnimada mida labaad ayaa ah inee baxsato oo ay cararto kana dhuumato reerka iyo ninka guursanaayo waxaase suurtogal nimadeeda yartahay in waalidked arooskan joojiyan oo u yeelan sida gabadhooda rabto.

2-Caziiza ficilada ay ku dhaqaaqi karto ee macquulka ah inee dhacaan xalqada 28-aad waxaa kamid ah inee Miiraan iyo Reyyan isku dirto ileen waatii lahed xalqada 27-aad aniga ayaa miiranow iga hortimid misane Reyyan hadalkeeda ayaad maqleysa miyaa xili ay kaligeed isla hadleysay ayee sidaa lahed.

Waxaa kaloo macquul ah inee si degdeg qorsho iga shaqeyso ay isaga hor keeni doonto Miiraan iyo aabihiis ileen wacad waxay ku martay inuu Miiraan dilo aabihiis Hazar asoon ogeyn qofka uu dilaayo inuu aabihiis yahay. Waxaa kaloo macquul ah ine Ayeyada cusub guriga ka saarto si qorsheysan oo iyada bari isaga yeeleyso.

3-Miiraan inuu xaqiiqada ogaado ayaa macquul ah oo ayeydiisa cusub wax walbo usheegto midaasna kalifi doonto inuu ka hor imaado ayeeydiisa Caziiza inkastoo uu Miiraan si fudud wax ku aamini doonin ileen waxuu go’aansaday inuu baaritaan dheer sameyn doono.

4-Hadafka Miiraan iyo Reyyan waa sidee ku heli lahaayen cadowga sedexaad ee qarsoon kaaso dhambaalada soo diri jiray waxayna aaminsan yihiin hadii qofkaas ay helaan in xaqiiq walba ogaan karaan hadaba maheli doonaa waa suaal isweydiin u baahan.

5-Miiraan iyo Caziiza maxay sameyn doonaan ileen waxay indhahooda ku arkeen Iliif iyo Azaad oo is musaafesteen isna soo guursadeen xili Azaad kudhawaaqay in Iliif xaaskiisa tahay Miiraan aad ayuu u neceb yahay Azaad walaashiis siduu ugu ogolaan doonaa dhan kale Caziiza aduunya kasoo xir xirantay marba hadii iliif loo guuriyay qoyska Sodolugu.

6- Caziiza talaabo walbo kafilo xalqada 28-aas inee ku dhaqaaqdo dhanwalba ayaa looga yimid ileene dhinac Miiraan ayeeydiis ayaa timid oo sirteeda dhan ka shifi karta, dhinac Miiraan ayaa kahor yimid oo hadalkeeda maqli jiray bakse hada qoyska oodhan asee la jiraan wuuna ka hor yimid iyada Caziiza ah. Dhanka kale gabadhee ayeeyda u ahed ee iliif waxaa guursaday cadowgeeda wiilke dhaleen ee Azaad waxay a ku noolaane qasrige necbaned marka wax walbo kafilo Caziiza xalqada xigta.

7-Qodobadaas aan sheegnay iyo kuwa kaleba waa suurtogal inee dhacaan waxaan sugnaaba waa goos goosyada laga soo bandhigi doono xalqada 28-aad lana soco wax walbo kasoo kordha taxanahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here