Waxaa xalay la daawaday xalqadii 35-aad ee taxanaha Hercai hadaba dhacdooyinka xalqadan xiisaha leh hoos kaga bogo qoraal ahaan dhab ahaantii waa mid xiisaheeda wadata kuguna kalifeysa inaa daawato:

Xalqada waxay ka bilaawane meeshii ay kudhamaatay tii hore xili Miiran uu ayeeydiis Caziiza qasriga ka saarayo una sheegayo inee qiyaano iyo been badantahaumy sidaas aawgedna qasriga sii joogi doonin weyna baxee iyadoo alaabteeda qaadaneysa balse waxay Miiran usheege inuu ka qoomameyn doono wuxuu sameeyay.

Asmaa ayaa raaceyso Caziiza waana muuqaal qiiro badan ayadoo sheegeysa in Caziiza meelna oga hareynin nolol iyo geeri dhanka kale Nasuh ayaa wiilkiisa Jihaan usheegayo in isaga uu dilay Maxamed Aslanbey sababtu udilayna ay tahay si uu wiilkiisa Hazar u bad baadsado haduu isla waqtigaas dili laheena wiilkiisa Hazar ayaa la dili lahaa.

Nasuh ayaa ku adkeysanaayo Miiran runta oodhan usheego iyo habeenkas wixii dhacay balse Jihaan ayaa kahor istaagaayo, Miiran waxuu ka murugeysanyahay wuxuu Reyyan kusameeyay sidaa aawgwd waxuu iskudayaa inuu ka fogaado, Yareen ayaa si lama filaan ah ku maqleysi sheekada Hazar iyo Azaad dhexmareyso waxayna halkaas ka ogaane in Reyyan ahen gabadha uu Hazar dhalay.

Harun ayaa shuraako kula noqonaayo reer Sodologu shirkadahooda kadib markuu bixiyo lacagtii $20 Million si kursiga Azaad u bad baado Yareen waxay awoowhed Nasuh ku xujeyne inuu arooska Harun uu iyada ku qasbaayo ka joojiyo ama dadka oodhan xitaa Reyyan ogaan doonto in Hazar uusan ahen aabahed dhabta.

Miiran ayaa ayeeydiis Caziiza xafiiskeeda ugu imaanayo waxuuna usheega ine waxay doonto sameyn karto balse aargoosigeeda intee wadato aysan dhib u horseedi karin reer Aslanbey oodhan si qaas ah Reyyan si caro leh ayuuna uvu digaa Caziiza.

Nasuh ayaa aqbalaayo dalabka Yaren si aysan sirtan usheegin waxuuna ku dhawaaqa inuusan dhici doonin arooska Harun iyi Yaren balse Reyyan oo goobta joogto agaa isku dayeeyso inee soo dhexgasho arinkaa waana marka wax walbo ka shifmayaaan Yareen ayaa la dagaalayeso Reyyan oo nolosheyda kabax dhaheyso waxayna dadka hortooda ka sheege in Reyyan ahen Hazar gabadhiisa.

Dadka oodhan wey naxayaan oo Reyyan ugu horeyso xitaa Miiran oo goobta joogay xili Reyyan shook weyn qaadeysi aabahedna si naxdin leh u fiirineyso dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane gabi ahaanba waxaan sugnaa waa goos gooska xalqada 36-aad oo xiiso weyn wadata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here